Wasiirka gargaarka dowladda federaalka Soomaaliya, Khadiija Maxamed Diiriye ayaa markale u muujisay madaxweyne Farmaajo taageero balaadhan, iyadoona sheegtay in uu dib usoo laaban doono.
Khadiijo ayaa ku dooday in madaxweynaha dalka ee xiligan uu yahay mid wax badan qabtay, waxayna sheegtay inay u muuqato in dib loo dooranayo madaxweyne Farmaajo, maadama uu wax badan u qabtay dalka, sida ay hadalka u dhigtay.
“Madaxweyne Farmaajo waa madaxweynaha kaliya oo aan hadda muddo xileedkiisa dhamaysan ay caddahay soo noqoshadiisa,” ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye oo wareysi siisay telefishanka Somali Cable.
Sidoo kale waxay si cad u sheegtay inay habeen iyo maalin taageersan tahay oo ay u codeyn doonto madaxweyne Farmaajo haddii ay cod yeelato.
“Adeegyadii bulshada, dhaqalihii, ciidankii cadaaladii afartii sano ee la soo dhaafay guryo badan ayaa la soo celiyay, wadooyinka ayuu dhisay illaa Afgooye ayaa wadadii la dhisay,” ayay tiri Wasiir Khadiijo.