Khaladaadkii Hitler u horseeday guul-darrooyinka

Adolf Hitler Germany

22-kii bishii June 1941, Naasiyiintii Jarmalka ayaa duullaan ku qaaday Barbarossa, kaasoo ka dhan ahaa Midowgii Soofiyeeti oo uu xilligaas hoggaaminayey José Stalin.

Wuxuu ahaa afgambigii militari ee ugu weynaa taariikhda, iyo khamaar khatar ah oo Adolf Hitler u adeegsaday inuu ku beddelo masiirkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, isaga oo ka dhex arkaya danihiisa.

Laakiin qorshaha sidii la rabay uma uusan dhicin, taariikhyahannaduna waxay tilmaamayaan fashilka howlgalka inuu ahaa billowgii dhammaadka awooddii Jarmalka.

Hawlgalkii Barbarossa wuxuu ahaa billowgii dagaal ba’an oo lix bilood qaatay kaas oo u dhexeeyey labadii quwadood ee kali-taliska ah, kuwaas oo aakhirka go’aaminaya natiijada dagaalka.

Hawlgalka waxaa loogu magac daray Barbarossa iyadoo lagu sharfayo Frederick Barbarossa ee boqortooyadii Roman ee qarnigii 12aad.

Ciidanka waxaa ka mid ahaa saddex milyan oo rag ah oo loo qaybiyay saddex kooxood oo bartilmaameedsanayay magaalooyinka Leningrad, Kiev iyo Moscow.

Ciidamada Soofiyeet si lama filaan ah ayaa loo weeraray. Malaayiin qof ayaa lagu qiyaasaa inay ku dhinteen magaalooyin ay ka mid yihiin Kiev, Smolensk, iyo Viazma oo ay qabsadeen Naasiyiinta. Dhanka kale, Hitler wuxuu go’aansaday inuu weeraro Leningrad.

In kasta oo ciidammadii Soofiyeeti ay ka badbaadeen weerarkii ugu horreeyay, haddana xoogagga Jarmalka waxay qaadeen weerar cusub 1942 si ay ugu duulaan aagagga ka baxsan dhulweynihii USSR.

Wuxuu ahaa dagaalkii Stalingrad, oo dhacay intii u dhaxeysay 1942 iyo 1943 badalayna jihada dagaalka kuna dhamaaday iska caabin ka dhan ah Jarmalka.

Duulaanka waxaa weheliyay rabshado xooggan oo lagula kacay muwaadiniinta Soofiyeedka. Dadka sida aadka ah ay u saameeyeen waxaa kamid ahaa Yuhuudda.

In kabadan hal milyan oo Yuhuud ah ayaa dhimatay, qorshihii Hitler wuxuu ahaa in la baabi’iyo dhammaan Yahuudda.

Siddeed sannadood kadib duulaanka, taariikhyahan Ingiriis ah oo la yirahdo Anthony Beevor, oo wax ka qoray milateriga iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka, ayaa kajawaabay su’aalo ay BBC-da weydiisay isagoo isku dayaya inuu fahmo khaladaadkii weynaa ee Hitler.

Hitler ma lahaa qorshe muddo dheer ah oo uu ku weeraro aagga USSR?

“Adolf Hitler ayaa mararka qaar bedalayay maskaxdiisa marka ay yimaadaan go’aannada waa weyn, laakiin waxaan u maleynayaa in duulaankiisii ​​uu ku qaaday Soofiyeedka uu ahaa arin ka dhalatay dhamaadkii Dagaalkii Koowaad ee Adduunka,” ayuu yiri taariikhyahan Anthony Beevor.

“Naceybkii uu u qabay xukunka shuuciyadda wuxuu ahaa mid aad u daran, laakiin fikradda waxaa sidoo kale saameyn ku yeeshay duullaankii Jarmalka ee Ukraine ee 1918,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Xoreynta aaggaas ayaa hor istaagi lahyd soo noqoshada xayiraadii Ingiriiska iyo macaluushii ka dhacday Jarmalka Dagaalkii Koowaad ee Adduunka ka dib. Markaa waxay ahayd tallaabo istiraatiiji ah.”

Jarmalka ayaa lagu dhaleeceeyay inuu sugayay waqti dheer si uu u soo qaado duulaanka. Ma ku raacsan tahay tan?

“Dabcan, waa run in howlgalka Barbarossa uu aad u soo daahay oo dood ayaa ka taagneyd sababta uu u soo daahday. Aragtidii hore ayaa tilmaameysa inay ahayd in duullaankii Giriigga bishii Abriil 1941 uu sababay in dib loo dhigo, laakiin durba waxaa la ogaaday in sababta ugu weyn ay tahay muddada,”

“Xilligii qaboobaha ee 1940-1941 waxaa lagu diirsaday roobab mahiigaan ah, oo sababay laba dhibaato. Ugu horreyn, garoonka diyaaradaha ee Luftwaffe, oo ay ka howlgalayeen ciidamada cirka ee Jarmalka ayaa biyo fadhiisteen oo gebi ahaanba sababay in diyaarada ay ku soo degi waayaan. Dhibaatada labaad, dabaylo xooggan oo xilligaasi dhacay ayaa adkeeyay in gawaarida lagu daabulo Qalcadda bari,” ayuu yiri Beevor.

Ma la dhihi karaa Stalin wuxuu caqabad ku ahaa habkii difaaca ee Midowgii Soofiyeet?

“Diidmadiisa in ciidamadii Soofiyeetka ay dib u gurtaan, gaar ahaan ka dib markii la hareereeyay Kiev ayaa waxay horseedday inay ku dhintaan kumanaan carruur ah. Wuxuu ahaa go’aan adag sababtoo ah waxa uu ku qotomay labada daran mid dooro,”

“Stalin wuu isdabciyay wuxuuna dib u dhigey qorshihii ahaa in ciidamadiisa ay dib ugu noqdaan Moscow, go’aankaas oo ahaa mid faa’iido leh maadaama uu badbaadiyey askar badan oo markii dambe caasimaddooda ka difaacay cadow qabsan lahaa,” ayuu yiri taariikhyahanka.

Jarmalku ma heleen fursad ay ku guuleystaan?

Dhamaadkii 1941, Stalin wuxuu safiirka Bulgaria u sheegay inuu filayo in Moscow laga yaabo inay ku dhacdo gacanta cadowga oo uu ka baqayo inay wax walba burburaan.

Laakiin danjire Stamenov ayaa ku jawaabay: “Hitler waa nin. Xitaa haduu u cararo buuraha Ural, weli wuu ku guuleysan karaa dagaalka.”

Jawaabtaasi waxay xaqiijineysaa sababta ay ugu adkaatay howlgalka Barbarossa inuu guuleysto.

Tan labaad, Hitler waxba kamuu baran khaladaadkii ay Japan gashay duullaankii Shiinaha. Japan sidoo kale waxay lahayd ciidan xooggan oo ku qalabaysan tikniyoolajiyad casri ah, wuxuuna ciidankaasi ku duulay Shiinaha.

Casharka laga baran karay duullaankaasi ayaa ah, bilowga howlgalka, astaamaha guusha ayaa soo ifbaxaya, balse jahwareerka iyo cabsida iyo rabshadaha (oo uu Hitler sidoo kale ku sameeyay Midowgii Sofiyeet) ayaa aakhirka horseedaya mucaaradad kulul iyo rabshad baahsan.

Hitler taas uma muuqan haba yaraatee. Wuxuu aaminsanaa falsafadiisa ahayd; Albaabka jabi dhismaha oo dhanna wuu burburayaa,” wuxuu si buuxda u quursaday waddaninimada weyn ee muwaadiniinta Soofiyeedka ee halgamay illaa daqiiqaddii ugu dambaysay.

Weerarkii aagga USSR ma ahaa khaladkii ugu weynaa ee uu sameeyay Hitler?

Dabcan haa.

Haddii Hitler uu aqbali lahaa xaaladda dhabta ah kadib guuldarradii Faransiiska ka dibna ciidankiisa uu ku horumarin lahaa dhaqaalaha dalalkii uu horay u qabsaday, Jarmalku wuxuu nuddo kooban ku noqon lahaa dal awood badan.

Sidaa darteed, haddii Stalin uu isku dayi lahaa inuu weeraro Jarmalka markii ugu horreysay intii u dhaxeysay 1942 iyo 1943 markaa wuu qodi lahaa qabriga Midowgii Soofiyeeti.

Laakiin, ficilkii Hitler ee duullaankii Midowgii Soofiyeeti wax walba wuu beddalay, oo waxa uu sababay inuu billowdo hawlgalkii Barbuda oo laf-dhabarta ka jabiyay ciidanka Jarmalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here