Khalalaasaha Itoobiya: Ma TPLF ayaa soo laba kaclaysay?

ethiopian army armor

Saraakiisha dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal uu ka dhacay xuduudka u dhaxeysa Goballada waqooyiga Itoobiya ee Tigray iyo kan Amxaarada.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalladaas ay ku dhinteen ku dhawaad 15 qof, wuxuuna ka dhacay aagga loo yaqaanno Wag-Hemra oo labada maamul ee Tigray iyo Amxaara ay kala sheegtaan. Dagaalkaan ayaa imaanaya iyadoo ugu badnaan lix bilood hadda laga jooga dagaalkii gobalka Tigray.

Ma TPLF ayaa soo laba kacleysay?

In kastoo bil gudaheed xukunka looga tuuray maamulkii ay hoggaamineysay TPLF ee Tigray, haddana wariyeyaasha ayaa sheegaya in dagaalka uu caddeyn muuqata u yahay in jabhaddan aysan wali quusan.

Faysal Rooble oo ah aqoonyahan ka faallooda arrimaha arrimaha dalka Itoobiya, oo la hadlayay BBC-da ayaa qabo in TPLF looga adkaday militri balse Jabhad ahaan ay wali xooggan yihiin, ayna qaybo ka mid ah dunida ay ka hellayaan dhiiro galin.

“Milatari ahaan ayaa loo jebiyay oo ay gadaal ugu gurteen laakin Jabhad ahaan looma jabinin, haddana waxaad moodaa in jabhad ahaantii ay baroosinka aasteen, soo na karaar celiyeen, dib na isku soo aruursadeen, isla markaana ay gacan ka hellayaan xagga niyad dhis u sameynaya oo adduunyada kale jooga,” ayuu yiro Faysal Rooble.

Waxyaabaha kale ee keenaya in TPLF aaney quusan waxaa ka mid ah in xilligaan dowladda Ra’iisul wasarae Abiy ay haystaan culeyso kaga imaanaya qaar ka mid ah goballada iyo maamullada kale ee dalka Itoobiya.

Faysal Rooble ayaa intaa ku daray in TPLF ay wax ka helaan hay’addo caalami ah. “Waxaad mooddaa in xoogag badan oo awal is qarinayay ay soo baxayaan oo weeraro aan hore looga baranin ku qaadayaan saldhigyada iyo ciidamada liyuu booliska Amxaarada, gaarahaan aagga u dhaxeeya Tigray iyo Amxaarada.”

“Marka dhab ahaantii waa arrin cusub oo walwalkeeda leh, waxyeello culusna ku yeelan karta gacan ku hayta Abiy ee ciidamada Itoobiya,” ayuu yiri Rooble.

Xaalka guud ee Itoobiya

Waxaa jiro walaac laga muujinayo xaaladda guud ee dalka Itoobiya gaarahanna dagaallada ku saleysan qoomiyadaha taas oo keeni karta saameyn balaaran oo gudaha iyo dibaddaba ah, sida ay qabaan qaar ka mid ah dadka sida dhow ula socda arrimaha ka dhacay dalkaas.

Dalka Itoobiya waxaa bilihii ugu dambeeyey ka dhacayay dagaallo u dhaxeeya qaar ka mid ah qowmiyadaha dalkaas oo ay dad badan ku dhinteen. Sidoo kale dagaallada ku saleysan qoomiyadaha ayaa qasbay in ay kumanaan qof barakacaan.

Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa marwalba waxay sheegtaa in amniga dalka ay gacan bir ah ku qabaneyso, cidkasta oo dalka qalaalaase u horseedaysana ay tallaabbo ka qaadeyso.

“Xaalka guud ee Itoobiya – Soomaalidu siday ay u malayso iyo sida uu yahay waa laba kala gooni ah. Itoobiya xaalkeeda waa arin runtii khatarteeda u leh dunida iyo gobolkaba.

“Walaaca badan ee la muujinayo waa cabsi ah in Itoobiya ay burburto, sababta keenaysana waxaa weeye in Itoobiya ay qoomiyado ahaan isku haysato. Marka xaalkeedu waa gacan calool ku jirta,” ayuu yiri C/nuur Ibraahim Cabdalla oo ka faallooda arrimaha amniga ee gobolka.

Waxyaabaha walaaca keenaya ayaa la sheegayaa in ay yihiin in dagaallada qoomiyadaha ee inta badan ka dhacaya dalka Itoobiya ay salka ku hayaan dhanka awoodda.

Qorshaha hadda ee dowladda Itoobiya wuxuu yahay in ay qabato doorashooyiin wakhtigoodii ka dib dhacay oo dadka ay codkooda ka dhiiban doonaan horraanta bisha Juun. laakiin sabab la xiriirta isku dhacayada gobalka Tigray ayaa sababay in doorashada laga joojiyo gobalkaas, waxaana jiro “cabsi laga qabo in ay rabshado kale ka dhacaan qaybaha kale ee wadanka”, sida ay qabaan dadka ka faalooda arrimaha Itoobiya.

Maxay yihiin TPLF?

Dagaalyahannada TPLF, oo badankood ka yimid koox milatariga ka tirsaneyd iyo maleeshiyo kale oo gobolka ka jirtay, ayaa loo maleynayaa inay gaarayaan 250,000.

Ururka waxaa la aasaasay sanadihii 1970-yadii wuxuuna ku soo caan baxay kacdoonkii keligii taliskii Mengistu Haile Mariam, oo xukunka laga tuuray sanadkii 1991.

Waxay kaddib ahayd quwad siyaasadeed oo dalka ka jirtay ilaa Abiy uu ra`iisul wasaare ka noqdo Itoobiya sanadkii 2018.

Kala Fur-furkii TPLF

Kala-furfurka TPLF ayaa billowday sannadkii 2012, kaddib markii uu cudurka cancer-ka u geeriyooday hoggaamiyahoodii Meles Zenawi, isla markaana ahaa mufakarkoodii.

Is-qabqabsi awoodda xukunka ayaa dhex maray TPLF, oo laba garab u kala qeybsan. Heshiis daaha-gadaashiisa ah, oo ay dhexdooda galeen ayaa keenay inay isla sannadkaas xukunka u dhiibaan Xaylemaryam Desalegn, oo ka soo jeeda qowmiyadaha kala firirsan, ee deggan koonfurta Itoobiya.

Desalegn, oo ku-xigeen u ahaa Zenawi sannadihii 2010-2012, waxay TPLF-tu u arkayeen inuu yahay nin caana-ma-daadshe ah, wuxuuna noqday nin maqaarsaar u ah TPLF, oo xukunka ka maamuleysay daaha-gadaashiisa, qaasatan taliskii Ciidammada Xoogga Dalka iyo taliskii Sirdoonka, oo ay madax ka ahaayeen laba nin oo ka tirsanaa TPLF.

Desalegn, wuxuu ku dhex-haftay is-qabqabsi sii socday, oo u dhexeeyey TPLF-ta dhexdeeda iyo TPLF oo dhinac ah iyo dhinacyada kale ee EPRDF.

Waxaa sii xoogeystay cabashadii dadka Oromadu ay qabeen, ee ahayd inaysan wax awood ah ku lahayn hoggaanka dalka. Iyada oo cabashadaas ay taagan tahay ayaa waxaa aakhirkii 2014 dhacay mashruucii Master Plan, ee la damcay in magaalada Addis Ababa loogu sikiyo daafaha magaalada, oo dhinac kasta kaga xariirsan dhulka Oromada, ee hoos taga is-maamulka Oromada.

Arrimahaas waxay sii nusqaamiyeen qarbabooshnimadii uu Desalegn ku sii talinayey, wuxuuna aakhirkii dareemay culeyska haysta, isaga oo ku dhawaaqay inuu is casilay bishii Febraayo 2018.

Shirar xiriir ah oo dhex maray EPRDF ayaa dhaliyey in la isku mari waayo cidda loo magacaabayo Ra’iisal Wasaaraha. Laba bilood kaddib, heshiisyo hoose oo dhex maray labada urur ee Oromada iyo Amxaarada, oo ka mid ah afarta urur ee ka wada tirsan EPRDF, ayaa waxaa ku soo baxay Abiy Axmed inuu noqdo raysal Wasaaraha cusub.

Ma sugin waqti dheer, ee wuxuu Abiy Axmed billaabay inuu cafiyo mucaaradkii dalka dibaddiisa ku noolaa, ee ay xukunka ‘argagixisanimada’ ku sunteen TPLF.

Waxaa la cafiyey kuwii siyaasadda ugu xirnaa xabsiyada. Laba bilood kaddib, 7-dii June 2018, wuxuu xilalkii ay hayeen ka tiriyey Taliyihii Ciidammada Samora Yonis iyo Taliyihii Sirdoonka Getachew Assefa.

Laba usbuuc kaddib waxaa la isku dayey in la dilo 23 June 2018. Isku-dayga dilkiisa waxay dhalisay caro xoog leh oo keentay inuu Abiy Axmed wax badan ka beddelo is-bedelladii xowliga lahaa ee uu ku socday. Waxaa la billaabay in gacmo adag lagu qabto cid kasta oo lagu tuhmo inay ka horjeeddo, ama qalqal-gelinayso qorshayaashiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here