Khasaare culus oo ka dhashay qaraxii caawa magaalada Muqdisho ka dhacay

qarax muqdisho ly

Faahfaahino hor dhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xoog leh oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamar-Jajab.

Sida uu sheegay Afhayeenka Booliiska Soomaaliya khasaaraha ayaa ilaa iminka la xaqiijiyey 10 dhimasho ah iyo 30-qof oo dhaawac ah, weli si rasmi ah looma xaqiijin karo inta uu dhanyahay khasaaraha, sidoo kale hey’adaha ammaanka ayaan weli ka hadlin arrintaan.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday mooto nooca xamuulka, oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaas oo la dhigay afaafka hore ee maqaayadda Luul-Yemeni oo aan ka fogeyn dekedda weyn ee Muqdisho iyo halka laga ilaaliyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxaas ayaa u badan shacab maqaayadda ka cunteynayey iyo kuwo la socday gaadiidkii isticmaalayey wadada hor marta maqaayadda.

Sidoo kale waxaa soo dumay guri u dhawaa maqaayadda la qarxiyey ee Luulyemeni, kaas oo loo maleynayo in burburkiisa uu dad kale ku hoos jiro, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray dhammaan wadooyinka soo gala aagga uu qaraxu ka dhacay, waxaana goobta ka jirta xaalad kacsanaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here