Khilaafka ka dhex bilaabmay hogaanka Taliban oo ragga qaarkii gacan isku la tageen

talibaan

Khilaaf weyn ayaa ka dhex bilaabmay hoggaamiyeyaasha Taliban oo ku saabsan sida loo dhisayo dowladda cusub ee Afghanistan, sidaana waxa BBC-da u sheegay saraakiil sare oo ka tirsan Taliban.

Muranku wuxu u dhexeeya aasaasaha kooxda Mullah Abdul Ghani Baradar iyo xubin ka tirsan golaha wasiirada oo waxay isku maan dhaafeen madaxtooyada dhexdeeda.

Waxaa jiray warar aan la xaqiijin oo sheegaya ismaandhaafka hoggaanka Taliban taagnaa tan iyo markii Baradar laga waayay fagaareyaasha maalmihii la soo dhaafay.

Hase yeeshee arintaas wuu beeniyey ururku.

Taliban ayaa la wareegtay gacan ku haynta Afghanistan bishii la soo dhaafay tan iyo xilligaasna waxay ku dhawaaqday in dalkaasi yahay “Imaarad Islaami ah”. Golahooda cusub ee ku meel gaadhka ah gabi ahaanba waa rag waxayna ka kooban yihiin saraakiil sarsare oo Taliban ah, kuwaas oo qaarkood caan ku yihiin weeraradii lagu qaaday ciidamada Mareykanka labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Xog ay laanta Af-Pashto ee BBC -du ka heshay Taliban ayaa tibaaxaysa in Baradar iyo Khalilu Raxmaan Xaqaani – oo ah wasiirka qaxootiga isla markaana ah shaqsi caan ka ah shabakadda xagjirka ah ee Haqqani – ay is weydaarsadeen ereyo adag, rag kala taabacsanina ay gacan iskula tageen ba.

Xubin sare oo ka tirsan Taliban oo fadhigiisu yahay Qatar iyo qof ku xidhiidh la leh dhinacyada is khilaafsan ayaa sidoo kale xaqiijiyay in muran dhacay dabayaaqadii toddobaadkii hore.

Wararka ayaa sheegay in muranku soo baxay ka dib markii Baradar, oo ah ra’iisul wasaare ku -xigeenka cusub tibaaxay in aanu ku la dhacsanayn qaab dhismeedka dawladdooda ku meel gaadhka ah.

Waxaa la sheegay in khilaafku ka dhashay cidda sheegan karta libta guushii ay Taliban ka gaadhay Afghanistan.

Baradar ayaa lagu soo waramayaa inuu rumeysan yahay in guusha lagu gaadhay diblomaasiyaddii ay rag uu ku jiraa wadeen halka xubnaha ka tirsan kooxda Xaqaani ay iyaguna qabaan in libta lagu gaadhay dagaal.

Baradar ayaa ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Taliban ee si toos ah ula xidhiidhay madaxweyne Mareykan ah ka dib markii uu taleefan kula sheekeystay Donald Trump sannadkii 2020. Taa ka horna wuxuu saxiixay heshiiskii Doha ee ku saabsanaa bixitaanka ciidamada Mareykanka isaga oo wakiil ka ah Taliban.

Dhanka kale kooxda Xaqaani ee awoodda badan ayaa lala xidhiidhiyaa qaar ka mid ah weeraradii ugu rabshadaha badnaa ee ka dhacay Afghanistan ka dhanka aha ciidamada Afghanistan iyo xulafadooda reer Galbeedka sannadihii la soo dhaafay. Kooxdan ayaa Maraykanku u aqoonsaday urur argagixiso.

Hoggaamiyahooda Sirajuddin Haqqani, waa wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda cusub.

Wararka xanta ah ee ku saabsan soo bixitaanku waxay sii fidayaan tan iyo dabayaaqadii toddobaadkii hore, markii Baradar – oo ka mid ahaa wejiyada ugu caansan ee Taliban – laga waayay fagaarayaasha. Waxaa baraha bulshada la isla dhexmarayay in laga yaabo inuu dhintay.

Xogo ay BBC-du ka heshay Taliban ayaa sheegay in Baradar uu ka tagay Kabul uuna u safray magaalada Kandahar ka dib markii uu khilaafku soo if baxay.

Cod la duubay oo lagu sheegay inuu ahaa Baradar ayaa la faafiyey daayay Isniintii oo aasaasaha Taliban ayaa sheegayo inuu “ku maq maqnaa safarro”.

“Meel kasta oo aan joogo xilligan, dhammaanteen waan fiicanahay,” ayuu yiri.

BBC-da umay suurto galin in ay xaqiijiso codkaas oo lagu faafiyey bogaga internet-ka ee taageera Taliban.

Taliban waxay ku adkeysteen in aanu jirin wax khilaaf ah iyo in Baradar uu badqabo laakiin waxay sii daayeen hadalo iska soo horjeeda oo ku saabsan waxa uu hadda sameynayo. Af-hayeen ayaa sheegay in Baradar uu aaday Kandahar si uu ula kulmo hoggaamiyaha ugu sarreeya Taliban, laakiin markii dambe wuxuu u sheegay laafta af-Pashto ee BBC in hoggaamiyahaasi ” daalay oo uu doonayay waxoogaa nasasho ah”.

Dad badan oo reer Afghanistan ah ayaa dareemi doona inay haystaan sabab wanaagsan oo ay uga shakiyaan hadalka Taliban. Sannadkii 2015, kooxdu waxay qirtay inay qarinayaan geerida hoggaamiyahoodii Mullah Cumar muddo ka badan laba sano, muddadaasna waxay sii wadeen inay ku soo saaraan bayaanno magaciisa.

Ilo wareedyo ayaa BBC -da u sheegay in Baradar la filayo inuu ku laabto Kabul oo laga yaabo inuu ka soo muuqdo shaashadaha si uu u beeniyo in wax muran ah uu dhacay.

Waxaa weli la isla dhexmarayaa taliyaha ugu sarreeya Taliban, Hibatullah Akhundzada, oo aan weligiis lagu arag meel fagaare ah. Wuxuu mas’uul ka yahay arrimaha siyaasadda, militariga iyo diinta ee Taliban.

Dhanka kale sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda ee Afghanistan ayaa Salaasadii ku baaqay in deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ay dib u billaabaan gargaarka, isagoo sheegay in beesha caalamku aysan siyaasadeyn kaalmooyinkooda.

In ka badan $ 1bn oo gargaar ah ayaa dalka loogu yaboohay Isniintii, ka dib digniino ka yimid Qaramada Midoobay oo ku saabsan “masiibo soo socota”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here