Kiisaska CORONAVIRUS ee Somalia oo dhaafay 600

Coronavirus

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay inay kordheen dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus ee gudaha Soomaaliya, islamarkaana kiisaska ay hadda dhaafeen 600, halka sidoo kalena dad kale ay ka bogsadeen.

Wasaaradda ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ku sheegtay in dalka laga helay 19 xaaladood oo cusub oo COVID-19 ah kadib baaritaanno lagu sameeyay dad badan oo lagu arkay astaamaha Cudurka.

Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, ayaa sidoo kale sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen 11 qof, waana tiradii ugu badneyd ee dowladda ay maalin qra shaaciso inay xanuunka ka bogsadeen xanuunkan. Guud ahaan waxaa hadda cudurka ka bogsaday 31 qof.

19-ka kiis ee cusub ayaa 18 ka mid ah waxa ay ku sugan yihiin Muqdisho, halka qof kalena uu yahay qof jooga Koonfur Galbeed.

Sida ay wasaaradda ay sheegtay, 19-ka bukaan ee cusub ay 13 ka mid ah yihiin lab, halka 6 kale ay yihiin dhedig.

Maalin labaad oo xiriir ah, wasaaradda ma shaacin wax dhimasho ah oo la xiriirta Coronavirus. Tirada dhimashada ayaa weli taagan 28 qof.

Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee Soomaaliya ayaa hadda ah 601 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here