Kiisaska CORONAVIRUS ee Somalia oo ku dhow 1000 iyo gobollada oo uu ku faafayo

Coronavirus

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta cudurka Coronavirus waxay ku sheegtay in labadii maalin ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 69 xaalado cusub oo COVID-19 ah, islamarkaana 4 bukaan ay u geeriyoodeen xaruunka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 4 qof oo kale ay ka bogsoodeen cudurka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (39) Somaliland (11) Puntiland, (8), Koonfur Galbeed (8) ruux, HirShabeelle (2) iyo Galmudug (Hal) ruux.

Warbixinta ayaa muujineysa in cudurka uu hadda uu ku faafayo gobollada dalka, halka maalmihii hore uu ahaa mid ku xooggan magaalada Muqdisho.

48 kamid ah bukaannada cusub ayaa rag ah, halka 21 ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 997 guud ahaan, 48 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 110 ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here