Kiiska 24 saac ee COVID-19 ee Muqdisho oo markii ugu horreysay laga tiro batay

Coronavirus

Wasaaradda caafimadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixinteedii maalin laha aheyd ee tafaasiisha cudurka Coronavirus, waxayna shaacisay kiisas hor leh, bogsasho iyo dhimasho uu sababay xanuunkaas.

Tirada dadka saacadihii u dambeeyay laga helay xanuunka ayaa lagu sheegay inay gaareyso 47 qofood oo ku kala nool, Puntland, Banaadir, Somaliland iyo Koonfur Galbeed.

Sidoo kale warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay in laba qof ay u geeriyoodeen cudurka COVID-19, halka 15 kalena ay kasoo bogsadeen.

Kiisaska ugu badan ee maanta la shaaciyey ayaa laga diiwaan geliyay deegaanada Puntland, waxaana laga helay 19-kiisa, Banaadir ayaa laga helay 13-kiis, Somaliland 8-kiis, halka deegaanada Koonfur Galbeed laga diiwaan geliyay todoba kiis oo Coronavirus ah.

Waa markii ugu horreysay ee kiiska guud ee gobolka Banaadir laga weriyey 24 saac ay ka bataan meelaha kale ee dalka, waxaana maanta ka badan Puntland.

Dadka cudurkaas laga helay 42 kamid ah rag, halka shanta kale ay dumar yihiin.

Guud ahaan Soomaaliya tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus ayaa gaartay 1,502 xaaladood, 178 qofood ayaa kasoo bogsatay xanuunkaas, halka inta la ogyahay 59 kale ay u dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here