KOONFUR AFRIKA OO DHOOLATUS CIIDAN LA SAMEYNAYSA SHIINAHA IYO RUUSHKA

russia and china flags

Dowladda Koonfur Afrika, ayaa ku dhawaaqday inay bilaabayso dhoolatus ciidan, oo ay iska kaashanayaan dowladaha Ruushka iyo Shiinaha bisha soo socota.

Ciiidanka Koonfur Afrika, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay dhoolatus ciidan, oo ay la sameynayaan quwadaha waaweyn ay ka sameyn doonaan xeebaha badweynta Hindiya bisha soo socota.

Waxaa la sheegay in dhoolatuska ciidan uu socon doono muddo 10 maalmood ah, waxaana uu ka dhici doonaa magaalooyinka dekedaha leh, ee Durban iyo Richards Bay ee dalka Koonfur Afrika.

Ujeedada dhoolatuskan ciiidan, ayaa lagu sheegay inuu yahay sidii Xirfadaha iyo Aqoonta ciidan, ay ula wadaagi lahaayeen Ciidanka Difaaca Qaranka Koonfur Afrika.

Koonfur Afrika ayaa kamid ah dalalka Afrika ee aan muujin taageero iyo diidmo ka dhan ah duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Koonfur Afrika ayaa haatan waxay heysaa jagada guddoomiyaha kooxda BRICS ee dalalka ku mideysan ururkaas, oo ay ku jiraan Brazil, Russia, India iyo China.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here