Koonfur Galbeed oo shaaca ka qaaday xilliga ay qabaneyso doorashada Aqalka Sare

calanka koonfur galbeed

Guddiga hirgelinta doorashada ee heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa maanta soo saaray jadwalka doorashada saddexda xubnood ee ka haray Senatarada Aqalka Sare ee ka imaanaya dhinaca maamulkaasi.

Warqad ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha guddiga doorashada Koonfur Galbeed, Yuusuf Cabduqaadir Maxamed ayaa lagu sheegay in isla maanta ay bilaabayaaan diiwaan-gelinta xubnaha musharraxiinta ee ku tartamaya saddexda kursi ee ka dhimman maamulkaasi.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu shaaciyey in beri oo Axad ah ay msharraxiintu jeedin doonaan khudbadahooda, kadibna la qabanayo codeynta doorashada, si loo dhammeystiro Senetarada baarlamaanka Aqalka Sare ka soo galaya dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

“Iyadoo la fulinaaya jadwalka guddiga doorashooyinka heer federaal ay soo saareen 16-07-2021 oo ku asteysan in doorashada Aqalka Sare lagu qabto muddada u dhexeysa 25-28 bisha Jully, haddaba wuxuu guddiga doorashooyinka heer dawlad goboleed SEIT – Koonfur Galbeed halkan kusoo gudbinayaa jadwalka faahfaahsan ee qabashada doorashada Aqalka Sare,” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here