KOOXIHII KALA GOISTA SOOMAALIYA U OLOLEYN JIRAY OO FASHILMAY

baarlamaanka somalia 2022

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku hambabiray Kooxo abaabulan oo Goleyaasha Federaalka Soomaaliya uga ololeeya kalagoynta dalka Soomaaliya.

Kooxahan ku foogan khiyaamadda Qaran oo marba midab isu soo yeela, ayaa shaqadda keliya ee ay Caasimadda Soomaaliya u joogaan ay tahay sidii ay Gobolada Waqooyi Galbeed Somaliya uga goyn lahaayeen, mar waxay ku soo dhuuntaan Somaliland iyo Soomaaliya hawada hadleen, taasoo ay Maamulka Jamhadda SNM ugu ekaysiinayaan Jamhuuriyad la siman Soomaaliya, mar waxay soo gashadaan shaati qabiil.

Xubno badan oo ka mid ayaa dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey aan dibadda u soo bixin iyagoo ka xun Calanka Soomaaliyeed ee ka babanaya Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn.

Waxay ku dhuumaaleystaan inay aaminsan yihiin midnimadda Soomaaliya, hadda waxa dulsaaran tooskii Umadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here