Kulan Farmaajo iyo Rooble uga socdo magaalada Muqdisho

Villa Somalia2

Magaalada Muqdisho waxa ka socda kulan u dhexeeya madaxweynaha dawladda federaalka Maxamad Cabdillahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble kaas oo la doonayo in xal looga gaaro khilaafka u dhaxeeya labada nin ee keenay in la sameeyo magacaabis xubno dawladdeed oo is barbar socda.

Kulankan oo ay garwadeen ka yihiin labada madaxweyne ee labada maamul goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug Cabdicasiis Laftagareen iyo Axmed Qoorqoor ayaa illo ku dhowdhow shirka waxay BBC-da u sheegeen in labada dhinac ay ka muuqato isu soo dhawaansho ku saabsan in xal laga gaaro wixii markii hore khilaafka keenay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here