Kulan u dhexeeya madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo ka socda magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada waqooyiga Gaalkacayo ku qaabilay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Waa kulankii ugu horeeyay ee labada madaxweyne isku arkaan. Lama oga waxa uu ku saabsan yahay kulankaan, balse labada madaxweyne ayaa isku diyaarinaya ka qeyb galka shirka dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa horey u sheegay inuu ka shaqeynayo sidii uu iskugu soo dhoweyn lahaa dowladda federalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah ee uu khilaafku ka dhexeeyo.

Waxaa kulankooda la filayaa inay kaga hadlayaan xoojinta amniga Gaalkacyo oo ay maalmahaan ka socdeen howlgallo wadajir ah oo lagu dagaalamayo kooxaha qatarta ku ah amniga iyo wadajirka labada shacab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here