Kulan Villa Somalia uga socda Farmaajo, Qoor-Qoor, Lafta-gareen iyo Guudlaawe

Villa Somalia2

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda kulan kula leh Madaxtooyada Villa Somalia Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle.

Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, kulankan ayaa waxa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka oo xaalad cakiran ka abuuray dalka, xilli baarlamanka uu waqtiga ka dhacay, madaxweynahana ay u hartay bil kaliya..

Kulankan ayaa daba socda kulamo ay hore u yeeshen madaxweyne Farmaajo, Qoor-Qoor iyo Lafta-gareen, waxaana maanta kusoo biiray madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, oo markii ugu horreysay soo gaaray Muqdisho, tan iyo markii la doortay.

Doorashada Soomaaliya ee soo soocta ayaa waxaa ka taagan muran baahsan, kaasi oo u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka, mushaxiinta mucaaridka iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada oo kasoo horjeeda hanaanka doorashada.

Waxa uu imaanaya kulankan xili uu Madaxweyne Farmaajo uu wajahayo culeyso xoogan oo dhanka mucaaridka iyo beesha caalamka oo ku aadan doorasho wada-ogol ah, ayada oo muddo xileedkiisa ay ka hartay oo kaliya hal bil.

Sidoo kale waxa uu kulankan kusoo aadayaa xili ay dhawaan qorsheynayaan guddiga lagu muransan yahay ee doorashada oo gadaal ka riixeyso dowladda inay doorashada labada aqal ka bilaabaan deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here