Kuuriyada Waqooyi oo mar kale tijaabisay gantaalo halis ah

missile north korea

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal nooca riddada dheer ah oo awood u leh inuu ku dhufto inta badan Japan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Isniintii.

Dabayaaqadii isbuuca ayaa la arkay gantaallo socda masaafo dhan illaa 1,500km, sida ay sheegtay wakaaladda KCNA.

Tijaabadan ma jabineyso qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey- ee ay Kuurirada Waqooyi ku muteysatay cunaqabateyn adag in lagu soo rogo.

Laakiin waxay muujinaysaa in waddanku weli awood u leeyahay inuu soo saaro hub iyada oo ay jirto in dalkaasi ay soo food saartay cunto yaraan iyo dhibaato dhaqaale o kale.

Tijaabada gantaalkan oo ah nooca kuruuska ayaa muujinaysa “ahmiyadda istiraatiijiyadeed oo wax ku ool ah oo macnaheedu yahay in si kalsooni leh loo sugo amniga dowladnimadeena oo si xoog leh loo xakameeyo dhaqdhaqaaqyada milatari ee xoogagga cadawga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka lagu baahiyay wakaalada wararka ee KCNA.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in tijaabadan ay muujineyso Kuuriyada Waqooyi “sii waddo diiraddana saarto horumarinta barnaamijkeeda milateri iyo halistooda ku wajahan deriskeeda iyo beesha caalamka.”

Waxay saraakiisha militariga Mareykanka ay intaas ku dareenin inay ka go’an tahay difaacidda xulafadooda Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Gantaalka noocaan ah qeyb kama ahayn cunaqabateynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey taas oo loogu talagalay in lagu xakameeyo barnaamijka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.

Qaar ka mid ah khubarada ayaa u arka in tani ay tahay daandaansi heer hoose ah oo ka yimid Pyongyang – lagana yaabo inay tijaabinayso bal sida looga falceliyo.

Marka laga hadlo Xaqiiqda tijaabadani ma noqon mid ku soo baxa cinwaanada ugu sareeya ee ugu Kuuriyada Koonfureed, mana aysan noqon kuwa qabsada bogga hore ee wargeyska dowladda Kuuriyada Waqooyi.

Maxaa looga gol leeyahay tijaabadan?

Muhiimaddu waxay tahay in Kuuriyada Woqooyi ay mar kale caddaynayso inay horumarin karto hub cusub oo halis ah iyada oo ay saaran tahay cunaqabatayn adag oo caalami ah.

Gantaaladan ah nooca kuruuska ayaa ah kuwa jawi hoose ku duula oo ay adag tahay in la ogaado, jaraya-na masaafo dhan 1,500km islamarkana gaari kara qeybo badan oo Japan ka mid ah.

Warbaahinta dawladda waxay kaloo ku tilmaamaysaa gantaaladan kuwo “istiraatiiji ah” oo sida caadiga ah macnaheedu yahay in talisku doonayo inuu ku rakibo madaxyada nukliyeerka.

Pyongyang ayaa laga yaabaa inay aamusnayd tan iyo markii wadahadaladii Donald Trump iyo Kim Jong-un ay ku burbureen Hanoi sanadkii 2019.

Balse taasi micnaheedu ma aha in aysan ku mashquulsanayn hormarinta hubkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here