Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay hub cusub oo aan la aqoon

gantaal kuuriyawaqooyi4

Kuuriyada Woqooyi ayaa tijaabisay laba gantaal oo ah kuwa riddada gaaban, sida uu sheegay milatariga dalka Kuuriyada Koonfureed.

Gantaalladaasi ayaa laga riday saldhigga ciidan ee Sino-ri oo ku yaal woqooyi galbeed caasimadda dalkaasi ee Pyongyang, waxaana loo riday dhanka bari ee dalkaasi. Mid ka mid ah gantaalladani ayaa la sheegayaa in uu gaaray masaafo dhan 420 km, halka kan kale uu gaaray ilaa 270km.

Tijaabada gantaalladani ayaa ku soo beegmaya xilli ergay sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka uu haatan ku sugan yahay dalka deriska ah ee Kuuriyada Koonfureed, halkaasi oo mas’uuliyiinta dalkaasi uu la yeelanayo wadahadallo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa is-mariwaaga hareeyay wadahadallada u dhaxeeya Mareykanka iyo Pyongyang ee ku saasban hubka niyuukleerka.

Dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa sheegaya in Kuuriyada Woqooyi ay isku dayayso in Mareykanka ay cadaadiska ku saarto guuldarrada uu ku guuldareystay in uu sameeyo wax tanaasul ah.

Kulan bishii Febraayo ee sanadkan dalka Vietnam ku dhex maray hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un, iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa guuldarro ku soo dhammaaday.

Trump ayaa shirka isaga baxay ka dib waxa uuna hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ku eedeeyay in uu shirka la soo fariistay waxa uu tilmaamay heshiis aad u xun.

Maxaa laga ogyahay gantaallada cusub

Milatariga Kuuriayda Koonfureed ayaa waxa uu sheegay in iyaga oo kaashanaya saraakiisha mukhaabaraadka dalka Mareykanka ay daraasad ku sameynayaan hubkaasi cusub ee ay tijaabisay dowladda Kuuriyada Woqooyi.

Saldhigga Sino-ri oo 75 km u jira caasimadda Pyongyang, ayaa ka mid ah xarumaha lagu farsameeyo gantaallada riddada dheer, sida uu sheegay mac’hadka daraasaadka ee Center for Strategic and International Studies ee xaruntiisu tahay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

NK

Maxaa loogu heshiin la’yahay wadahadallada?

Mar sii horreysay ayaa wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Kuuriyada Woqooyi, Stephen Biegun, waxa uu ka degay caasimadda Seoul, si uu u sii amba qaado qaabkii dib loogu billaabi lahaa wada xaajoodka lagula jiro Pyongyang.

Waxaa la filayaa in saraakiisha Seoul uu kala hadli doono qaabkii gargaar bani’aadanimo loo gaarsiin lahaa Kuuriyada Woqooyi, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in dalkaasi ay ka jirto cunno la’aan ba’an.

Xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Pyongyang ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii uu guul dareystay kulankii Hanoi. Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in xukuumadda Pyongyang ay ka tanaasusho barnaamijkeeda hubka niyuukleerka halka Pyongyang ay dalbatay in xayiraadaha laga qaado.

Sabtidii la soo dhaafay ayaa Kuuriyada Woqooyi waxa ay tijaabisay dhawr gantaal oo ah kuwa riddada gaaban.

Tijaabada gantaalladani ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2017-kii, xilligaasi oo Pyongyang ay tijaabisay gantaalladeeda qaaradaha isaga kala goosha, waxa ayna ku soo beegmeysaa ka dib markii bishii la soo dhaafay uu dalkaasi tijaabiyay hub cusub oo uu sheegay in uu yahay mid si xeeladeysan loo hagi karayo.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un, waxa uu sheegay in uu hakinayo tijaabada hubkiisa niyuukleerka isla markaana uusan tijaabin doonin gantaallada riddada dheer ee qaaradaha isaga kala gooshi karaya.

NK

Hase yeeshee wali waxaa muuqanaya dhaqdhaqaaq ay waddo xukuumadda Pyongyang, waxaana sawirro dayax gacmeed lagu qaaday ay muujinayaan dhaqdhaqaaq ka socdo xarunta ugu weyn ee niyuukleerka waqooyiga Kuuriya, arrintaa oo ka dhigan in dalkaasi uu dib u billaabay kobcinta waxyaabaha laga sameeyo hubka niyuukleerka.

Waddankaasi ayaa sheegaya in uu sameystay hub niyuukliyeer ah oo ay xambaari karaan gantaallada riddada dheer iyo sidoo kale kuwa ay suurtagalka tahay in ay gaaraan gudaha dalka Mareykanka.

Dhanka kale, dawladda Maraykanka ayaa hakisay dedaallo ay kula wareegi lahayd haraaga askartii looga laayay dagaalkii labada Kuuriya.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sannadkii hore wareejisay haraaga maydadka 50 askari oo Maraykan ah oo la dilay intii u dhaxaysay 1950-1953, xilligaasi oo uu socday dagaalka labada Kuuriya.

Arrintaas ayaa muujinaysay in uu soo hagaagayo calaaqaadka u dhaxeeya madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

NK

Balse Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay hakisay qorshahaasi ka dib markii ay waxba ka soo naaso caddaan waayeen shirkii labada hoggaamiye ay yeesheen.

Askar lagu qiyaasay 36,000 oo ciidammada Maraykanka ka tirsan ayaa ku geeriyooday dagaalkii labada Kuuriya, Maraykankuna wuxuu sheegay in aan wali meelna lagu ogayn in kabadan 7,700 askri.

Ku dhawaad 5,300 oo askartaasi ka mid ah ayaa lagu waayay gudaha Kuuriyada Waqooyi.

Dadaalka labo geesoodka ah ee dib loogu soo celiyo haraaga maydadkii askarta Maraykanka ayaa qayb ka ahaa fulinta heshiisyadii ay gaareen Trump iyo Kim kulankoogii u horreeyay ee Singapore ka dhacay sanadkii 2018.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.