Kuwait oo ballan qaad u sameysay xukuumadda Ra’iisul wasaare KHAYRE

Kheyre iyo Sh Sabaax Khaalid AlXamad AlSabaax

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee  Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa wadahadal dhanka telefoonka ah la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Xamad Al-Sabaax.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale Ra’iisul wasaara Xasan Cali Khayre iyo dhiggiisa Kuwait ayaa ka wada hadlay xaaladda uu haatan ku jiro dalka, gaar ahaan cudurka faafa ee COVID-19.

“Waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda, waxay isla soo qaadeen sida Kuwait ay Soomaaliya garab uga siin karto xakamaynta saf-marka ah ee Covid 19.” ayuu lagu yiri war qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Khayre ayaa sidoo kale ka dalbaday Kuwait inay ka gacan siiso la dagalaanka cudurkan oo ah mid safmar ah, islamarkaana dhibaato ku haya dalal badan oo ku yaalla caalamka.

Al-Sabaax ayaa dhankiisa u ballan qaaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in xukuumaddiisa ay ka caawin doonto mida Muqdisho xakameynta Coronavirus.

Dowladda federaalka ayaa wada qorshe ballaaran oo lagu xakameynayo COVID-19 oo haatan fara ba’an ku haya Soomaaliya, waxaana horay deeqo kala duwan ay uga heshay wadamada Imaaraadka Carabta, Shiinaha iyo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here