Laascaanood: Dawlada Hoose oo ku muransan bililiqada dhulkii ay ka barokiciyeen ganacsatada danyarta

lasanod

Muran culus ayaa hadheeyey Dawladda hoose ee Laascaanood, kaas oo sii xushan Badhasaabka iyo Wasiirka hawlaga Guud ee Somaliland.

Muranka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo, Dhul balaadhan oo la sugayey inay ka soo bixi doono Burburin iyo Barokicin ay Wasiirka hawlaha Guud Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi ku sameysay ganacsatada danyarta ah ee Magaalada Laascaanood.

Duqa Laascaanood ayaa la sheegayaa inuu gurtay oo gurigiisa geystay Buugaagtii iyo Waraaqihii ay xafiisyadu ku shaqayn jireen, halka ku xigeenkiisa iyo Xoghayaha Degmaduna ay dacwad qoraal ah u gudbiyeen Maxkamada, iyagoo ku eedeeyey inuu gurtay hanti Dawladeed.

Waxaa shacabka degaanku isla dhexmarayaan inuu jiray heshiis hoose oo ay wadagaleen, maayarka, Basasaabka, Wasiirka hawlaha Guud iyo qaar ka mid ah taliyeyaasha caaqleyaasha loo yaqaano oo askartoodu wax ka burburisay dhismeyaashii.

Guud ahaan masuuliyiinta degaamadaas Somaliland ugu magacaaban ayaa ah ku aan u qalmin oo iyagu abuura dhib kasta oo ay ku sii kala fogeynayaan shacabka iyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here