LAASCAANOOD: DIGNIIN KHATAR AMNI DARRO OO CADOWGU SOO MALEEGAY

horjooge ismaaciil cawaale doolaal

Waxaan shacabka, Jamaahiirta dhalinyaradda ee Magaaladda gacanta ku haysa uga digaynaa in Maleeshiyadii SNM ee Magaallada laga saaray, ay habeen iyo maalinba ku mashquulsan sidii ay u burburin lahaayeen midnimadda shacabka SSC ee aan u kala leexan inay degaamadooda ka saaraan, sidoo kale ay waxay wadaan talaabo ay Caalamka iyo Soomaalida ugu tusayaan inaan Dhulbahante ismaamuli karin oo haddii ay ka tagaan isdilayaan.

Illo Xogogaal ahi waxay xaqiijiyeen in hadda la diyaariyey falal amni-darro oo magaalada laga fulinayo oo ay ugu horeyso, In Askarti Madax-duubashada horey waxgaradka ugu layn jiray ay waxgarad cusub Madax-duubasho ku dilaan, si caalamka iyo Soomaalida uga dhaadhiciyaan wixii dadka leyn jiray anaga ma ahayn ee argagixiso iyo Dhulbahanta dhexdiisa bay ahayd, hadda anagoo Magaaladdii ka maqan ayaa weli Waxgaradkii dilayaa, dadka falal fulinaya waxay ka hawlgelayaan xeradda Buurta Sayidka oo markii ay falka fuliyaan dib ugu noqonayaa.

Arrinta labaad waxaa xeryaha GOOJACADE LA KEENAY BAABUUR KHAMRI IYO MAANDOORI AH, waxaa loogu tallogalay in la siiyo dhalinyarro degaanka ka soo jeeda oo la rabo in marka ay sarkhaamaan ku kacaan falal Amnidarro iyo inay Magaaladda Rasaas AMAANKA khalkhalisa ka ridaan.

Madaama lacagtii Odayaasha iyo Horgallada la siin jiray shaqeyn waayeen, hadda dhaqaalihii waxay u leexiyeen abuuris amnidarro, JAMAAHIIRTU HAKA FEEJIGNAATO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here