LAASCAANOOD: RABSHADO IYO BANAANBAXYO LAGU SOO DHOWEEYEY MADAXWEYNAHA SOMALILAND

banaanbax laascaanood

Rabshado iyo rasaas ayaa laga soo weriyay qaar kamid ah xaafadaha magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool halkaas oo uu goor dhowayd gaaray madaxweynaha Somaliland.

Wararku waxay sheegayaan in xaafadaha Laascaanood qaarkood uu ka socdo muddaharaad ka dhan ah madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadda ku sugan degmadaas.

Ciidamo xooggan ayaa hadda lagu arkayaa jidadka muhiimka ah iyo bartamaha magaalada si loo xaddido dhaq dhaqaaqyada dadweynaha muddaharaadka samaynaya.

Weli lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay rabshadaha ka socda Laascaanood waxaana wararka qaar sheegayan in ay jiraan dad la xir-xiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here