Laba taliye oo laga dilay ciidamada xoogga Soomaaliyeed

ciidamada dfs iyo amisom

Waxaa maanta degaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay laba korneyl oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaliya.

Labada korneyl, ayaa kala ahaa korneyl Cabdisalaan Sheekh Aaden oo ahaa abandulaha qaybta 12-ka Abril iyo Korneyl Cabdiraxmaan Jimcaale Muuse Kurjow oo ahaa madaxa maamulka lacagta Guutada 1-aad.

Cabdi Salaan ayaa xilkan ka beddelay Jeneraal Jamaame oo isaguna qarax miino ku dhintay lixdii December ee sanadkii la soo dhaafay ee 2018.

Jeneraal Jamaame waxaa weerarkaas kula dhintay Jeneraal Cumar Dheere oo ahaa taliyaha guutada 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Gaashaanlle sare Cabdi Salaan Aadan Kurjow ayaa xilkan loo magacaabay 26-kii Bishii December 20 maalmood kaddib geerida abaanduulahii uu isaga beddelay ee Jeneraal Jamaame lagu magacaabayay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay dilkan, inkasta oo loo badinayo kooxda Al-Shabaab oo gobolka ku xooggan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.