LABO QODOB OO HORTAAGAN HESHIISIINTA ISMAACIIL C GEELLE EE KHAATUMO IYO SOMALILAND

somaliland vs khaatumo

Sida ku cad hadaljeedinta (Riix halkan iyadoo English ah) Xoghayaha Fulinta Arbaca Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu, 1da Febraayo 2023 firqadihiisa 48 iyo 49, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tuurta ku qaatay inuu heshiisiiyo Maamuladda Hargeysa iyo Laascaanood.

Arrintan ayaa waxaa la soo gudboonaaday labo caqabadood oo keliftay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Jabuuti ka aamusaan oo maadaama ay qarax siyaasadeed ka dhalin karto shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ah:

Reer Khaatumo ma ogola inay gorgortan ka galaan Midnimadda Soomaaliya, taasoo haddii shacabka Soomaaliyeed ogaado in lagu cadaadinayo dhalin karta kacdoon xoogle oo Saameeya Madaxda Soomaaliya iyo Jabuuti, sidoo kale waxay ku dhegan yihiin in Maleeshiyadda Maamulka Hargeysa Gobolladda SSC laga saaro.

Maamulka Hargeysa labadaas qodob midna ma aqbalayo maadaama uu mudo dheer sheeganayey Dawlad Madaxbanaan.

Sida muuqata dhexdhexaadinta uu Madaxweyne Ismaaciil Caalamka ka balan qaaday ayaa isu bedeshay arin Muuse Biixi loogu daneynayo si uu u helo waqti uu ku fuliyo gabood-fallo dheeraada, kuwii uu horey u geystayna loo daboollo, islamarkaana uu ku raadsado fursado ku burburiyo midnimadda shacabka SSC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here