Lafta-gareen oo ka hadlay xubnaha Muqdisho kaga dhowaaqay isbaheysiga ka dhanka ah

Laftagareen2

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in wada-hadal nabadeed uu la yeelanayo siyaasiyiinta kasoo jeeda maamulka ee ay isku hayaan hogaanka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Lafta-gareen ayaa ballan-qaadkan ku wargeliyey Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo shalay kula kulmay magaalada Baydhaba.

“Waxaan soo dhaweynayaa ballan-qaadkii uu sameeyay Madaxweyne Cabdicasiis ee ahaa in isaga iyo siyaasiyiinta kale ee miisaanka leh ee Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ay wada-hadallo nabadeed ku xallin doonaan wixii khilaaf ah ee u dhexeeya,” ayuu yiri James Swan.

“Waxaa muhiim ah in khilaafaadka siyaasadeed lagu dhameeyo wadahadal iyo in xoriyatul qawlka la xaqiijiyo sida uu dhigayo dastuurka KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Swan.

Ballan-qaadka Lafta-gareen ayaa imanaya xili ay siyaasiyiinta kasoo horjeeda ay ku dhawaaqeen isbaheysi siyaasadeed loogu magac daray “Golaha Samatabixinta maamulka Koonfur Galbeed”.

Xubnaha ka soo muuqday isbaheysigaan waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan, guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, guddoomiye ku-xigeenkii hore ee golaha shacabka Cabdiweli Ibraahim Muudey, wasiirka haweenka XFS Xaniifo Xaabsade iyo xubno kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here