Lafta-gareen oo shaaciyey musharaxiinta kuraas kale oo ka mid ah Aqalka Sare

Laftagareen2

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shaaciyey liiska musharaxiinta xubnaha Aqalka Sare ee ku harsanaa maamulkiisa.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa shaaciyey magacyada lix musharax oo ku tartami doona saddex kursi, waxayna kala yihiin oo ay isugu aadeen sidan:-

1- Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi
2- Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo Cabdulqaadir Cabdi Axmed
3- Cabdiweli Maxamed Ibraahim iyo Cabdullahi Roobow Maxamed

Dhammaan lixda musharax ayaa ah kuwa cusub, wuxuuna Lafta-gareen meesha ka saaray saddexda Senator ee hadda ku fadhisay kuraastan kuwaas oo kala ah; Cabdikaafi Macallin Xasan, Xuseen Cali Xaaji Cabdalla iyo Aadan Cabdi Aadan.

Maamulka Koonfur Galbeed oo laga soo dooranayo sideed kursi ayaa waxaa horey loogu doortay shan Senator oo kala ah; Aadan Cabdinasir Maxamed, Dr. Xuseen Maxamed Daahir, Zamzam Ibrahim Cali, Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey) iyo Ayaan Aadan Cabdullahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here