Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Somaliland oo la soo saaray

RWKX Mahdi Maxamed Guuleed2

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Cabdi Xaashi ayaa goordhoweyd shaaciyey liiska Musharaxiinta xildhibaanada Aqalka Sare ee goboladda Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka guddoomay labada mas’uul liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare, kuwaasi oo tiradooda dhan tahay 24 musharax.

Musharaxiinta ay soo gudbiyeen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi ayaa waxay u tartami doonaan 11 Kursi oo Aqalka Sare ay ku leeyihiin gobolada Waqooyi ee hadda loo yaqaano Somaliland.

Toban ka mid ah kuraasta ayaa waxaa ku tartami doona laba illaa saddex musharax, halka Kursiga 1-aad uu musharax u yahay kaliya guddoomiyaha Aqalka Sare ee iminka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Arrintan ayaa imaneysa kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha dhowr jeer ka dalbaday inay si deg deg ah u soo gudbiyaan liisa musharaxiinta kuraasta Somaliland, si loo dhameystiro doorashada Aqalka Sare.

Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo kal hore isku maandhafsanaa maamulka kuraasta Somaliland, ayaa xilligan si wadajir ah u wada habsami u socodka doorashadaaas, waxayna afmeer u noqoneysa doorashada Aqalka Sare, oo maamulada badankooda ay soo gaba-gabeeyen.

Hoos ka aqriso magacyada musharaxiinta iyo kuraasta ay u tartamayaan

Kursiga 1aad: 1. Cabdi Xaashi Cabdullaahi
Kursiga 2aad: 1. Axmed Ibraahim Maxamed (Qorane), 2. Baashe Maxamed Ismaaciil
Kursiga 3aad: 1. Layla Axmed Ismaaciil, 2. Maxamed Maxamuud Cabdi
Kursiga 4aad: 1. Deeqa Xasan Xuseen, 2. Hodan Abokor Xasan
Kursiga 5aad: 1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, 2. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar 3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali
Kursiga 6aad: 1. Bilaal Idiris Cabdilaahi, 2. Saynab Axmed Boqore
Kursiga 7aad: 1. Saalax Axmed Jaamac, 2. Ibraahim Iidle Saleebaan
Kursiga 8aad: 1. Siciid Cabdi Xuseen, 2. Jaamac Cabdilaahi Maxamed
Kursiga 9aad: 1. Cabdirisaaq Axmed Cali, 2. Xasan Cabdi Gaas, 3. Axmed Maxamed Siciid
Kursiga 10aad: 1. Cismaan Abokor Dubbe, 2. Cabdikariim Maxamed Xasan
Kursiga 11aad: 1. Muna Cumar Xasan, 2. Naciima Xasan Xaaji Maxamuud (Gadhweyne), 3. Sucaad Xasan Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here