Liiska xildhibaanada maamulka Galmudug oo la filayo in maanta lagu shaaciyo

calanka galmudug

Guddiga farsamada ee maamul u dhisida Galmudug ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo liiska 69 xildhibaan ee ka haray baarlamaanka maamulkaasi.

Guddiga ayaa horay u shaaciyey liiska 20-ka xildhibaan ee Ahlu Sunna Waljamaaca laga siiyey baarlamaanka cusub,  kadib markii laga heshiiyey tabashada beelaha qaar.

Haddii lagu dhawaaqo xildhibaanada haray ayaa waxa ay guda geli doonaan howlaha doorashada, gaar ahaan tan guddoonka iyo mida madaxweynaha intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here