M Farmaajo oo kulan la qaatay guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda

m farmaajo1

Muqdisho, May 13, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Uganda ayaa ku dhiirrigeliyey dadaalka ay ugu jiraan horumarinta naftooda iyo hamiga ay u hayaan dib u dhiska dalkooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga warbixiyey Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda dadaallada ay dowladdu ku bixisay kor u qaadidda adeegyada waxbarashada dalkeenna, iyada oo la mideeyey manhajka Qaranka, dibna loo soo celiyey waxbarashadii aasaasiga ahayd.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka dhageystay Guddoonka Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda warbixin ku saabsan fursadaha iyo tayada waxbarasho ee dalkaas, caqabadaha iyo talooyin ay qabaan guud ahaan Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Uganda.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Midowga Ardayda Soomaliyeed ee Dalka Uganda Mudane Cabdimaajid jaabir Salaad ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida Dowladda ay uga go’an tahay baahinta adeegyada waxbarashada dalka, waxa ayna soo bandhigeen in ay ka go’an tahay horumarinta iyo dib u dhiska dalkeenna.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here