M Farmaajo oo magacaabay Ergeygiisa gaarka ah ee u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadan

farmaajo2

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Ergeyga u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Xeerka uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo oo ku qornaa luqada English-ka ayuu ku magacaabay Mr Balal Maxamed Cusmaan oo noqon doona Ergeygiisa gaarka ah ee u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadan, taasoo noqoneysa markii u horeysay oo Soomaaliya Ergey u magacawday Mandiqada Gobolka.

Mr Balal ayaa ahaa mid ka mid ah la Taliyeyaasha gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo, isagoo ahaa La Taliye idman oo u qaabilsan dhanka Arrimaha Siyaasadda Dibadda, iyadoo ay qaraabo dhow yihiin.

Magacaabidan ayay dadka odorasa siyaasadda u arkaan mid muujinaya loolanka juquraafiga siyaasada ee Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dalalka kulaala Badda Cas iyo Gacanka Cadan oo xilligan muhiimad gaar loo arko.

1 COMMENT

  1. sheekadan waa iska sheeko murqaan, ma baduu dhex fadhiisan?

    xaguu ergay ka yahay oo ka shaqaynayaa? dalka xiisaynaya inuu saldhig ku yeesho gacanka cadan ee bada cas siiba berbera waxuu ku khasban yahay fasax inuu ka sito jamhuuriyada somaliland.

    teeda kale xageebu fadhiisan illeen bada waxa jooga ciidamada bada ee jamhuuriyada barakaysan ee somaliland.

    ciidanka bada ee somaliland ba ka masuul ah xeebta dheer ee somaliland ee from ceelaayo illaa lowyacade iyo jaziiradaha sacaada diin ceebaad iyo kuwa kale iwm.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here