Ma kufsi ayaa lagu tilmaami karaa haddii ninka uu xaaskiisa qasbo?

sheekh cabdi xayi

Waxaa baraha bulshada Soomaalida qabsaday hadal ka soo yeeray gabadh lagu magacaabo Fatxiya Cabsiiye oo ka dooda arrimaha la xiriirira dumarka oo ku saabsanayd in lagu tilmamai karaa iyo in kale kufsi haddii uu inka xaaskiisa xooga.

Xilli ay waraysi siinaysay mid ah warbaahinta maxaliga ee ka howlgala Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday Madaxbanaannida ee Somaliland ayaa waxay sheegtay in” haddii ninka uu xaaskiisa qasbo ama si xoog ah ugu tago loo arki kara kufsi.”

Hadalkan oo muran badan ka dhaliyay baraha bulshada waxa ay diinta Islaamka ka qabto iyo arrimaha la xiriira isla qodobkan ayaan ka waraysannay Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan, oo ka mid ah cullimada Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho.

Cusmaan Muuse oo ka mid ah dadka isticmaalaha baraha buslahda ee arrintan ka hadla ayaa yiri, “Dhaqanka qoraya hadii lays khasbo waa kufsi Diinteena kuma jiro waa dhaqan reer galbeed!, labada is qabana midkasta Diintu waxa ay siisay xuquuq u gooni ah oon dulmi lahayn!”

Culimada qaar maxay ka dhaheen arrintan?

“Dadka ka hadlaya arrinkan kama aysan hadlin dhaqanka Islaamka, laba qof oo is qabta oo xalaal isku ah, kufsi lama yiraahdo maxaa yeelay kufsiga marka la qeexayo, waxaa la yiraahda waa isku qasbid la isku qasbo laba qof oo aan xalaal isku ahayn oo mid ka mid ah uusan raali ahayn”, ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi.

“Marka laba qof oo lammaane ah oo si xalaal ah isku qaba wixii dhexmara ma lagu tilmaami karaa kufsi? waa maya, la mana dhihi karo waa kufsi, mana haboona in la hadal hayo arrinkan, sababtoo ah Soomaalideena dhaqankeeda wuxuu yahay in laga xishoodo arrimaha la xirrra sariirta qoyska,” ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi.

Sheekha oo isla qodobkan ka hadlaya ayaa sidoo kale yiri: “Diinteena waxay qabtaa in gabadhu haddii ay seygeeda u diido in malaa’igta ay lacnadaysa, waxaana loo leeyahay waa in aysan u diidin, lamana dhihin waa inuu ninka xoog uga qaato, balse waxaa loo raray cinqaab kale oo xaga Ilaahay ah, laba qof oo isqaba waxa ka dhexeeya iyaga ayaa tartiibtooda u dhamaysanayo, wixii dhexmarana kufsi lama dhihi karayo.”

Waxaa si taasi lamid ah yiri Sheekh Shibli oo ka mid ah culmida Soomalaida.

“Gabadha uma banaana inay isu diido ninkeeda iyadoo cudurdaar uusan jirin sida inay xanuunsan tahay, ama xaalad kale jirto” “Nabi Scw wuxuu yiri Gabadhaha ha ogaadeen”, ayuu yiri Sheekh Shibli

Wuxuu sheegay in sidaas oo kale marka Gabadha ay u baahan tahay ninkeeda waa in Ninka si lamid ah uu gabadha u qanciyaa. Isaguna cudurdaar la’aan ma diidi karo.

Balse sheekha hadalka sii wata ayaa yiri “Hadii Ninka uu xoogaa riixriixo Xaaskiisa iyadoo aysan raali ka ahayn in la dhaho waa Kufsi waaa qalad arrintaas. Waana dhaqan gaalo leeyihiin. Gabadha waajib ayaa saaran. Waajibaadka saarana waxyaabaha ugu muhiimsan waa Nolasha qoyska iyo sariirta”

Muxuu yahay xaqa ay lamaanaha isqaba isku leeyihiin?

Sheekh Cabdi Xayi oo fafaahinaya xaqa ay isku leeyihiin lammaanaha Islaamka ee isqaba ayaa yiri, ” Diinta ayaa si faahfaahsan uga hadashay xaqa ka dhexeeya lammaanaha ku midoobay guurka waafaqsan shareecada Islaamka, haddii la soo koobana hoggaanka waxa iska leh ragga xuquuqda ay gabadha ku leedahayna waa inay gutaan dumarkana waxa looga baahanyahay inay adeecaan seygeeda labada dhinacba waxa jira xuquuq u kala gaar ah oo ku salaysan in la is adeeco oo uu seyga xaaskiisa ula dhaqmo si wanaagsan.”

Nabi Muxamed NNKH qaabkee ayuu xaasaskiisa ula dhaqmi jiray?

Nabi Muxamed NNKH noloshiisa oo dhan, wuxuu xaasaskiisa ula dhaqmay si aad u qurux badan, xaasaskiisa way ku farxeen joogitaankiisa, damqashadiisa, kalgacalkiisa iyo jacaylka uu u siiyay midna ma ahayn.

“Wuxuu Nabi Muxamed NNKH xaasaskiisa ula dhaqmi jiray si aad u qurux badan oo naxariis leh oo nolosha qoyska sida ugu fiican u maareeyay ayuu ahaa, wuxuuna na baray sida ugu wanaagsan ee loo maareeyo arrimaha la xiriira qoyska, Nabi Muxamed NNKH Muslimiinta raacsanna wuxuu shahaado sharaf uu ku siiyay oo qiimahooda, quruxdooda iyo fiicnadoodaba uu uga dhigay inuu yiri waxa idin kugu iimaan badan oo dadka idin kugu akhlaaqsan dadka haweenkooda ugu aqiyaarsan taasi waxay ku tusinaysaa ninba ninka uu uga roonyahay xaaskiisa oo uga dhaqaalayn badanyahay oo uga ixtiraam badanyahay inuu ka qayr badan yahay” ayuu yiri Sheekh Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here