Ma ogtahay in gobolka Baay uu heysto kuraasta ugu badan ee baarlamaanka Soomaaliya

Baydhabo

Xeerka deegaameynta kuraasta ee uu dhawaan ansixyay golaha Shacabka ayaa markii ugu horreysay kuraasta baarlamaanka federaalka ah u qeybiyay 18-kii gobol ee ay Soomaaliya ka koobeyd kahor inta aan la ridin dowladdii kacaanka.

275-ta kursi ee Golaha Shacabka iyo 54-ta kursi ee Aqalka sare ayaa lagu soo dooran doono gobollada marka laga reebo kuraasta xubnaha matalaya gobollada Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Doorashadan ayaa u dhici doonta hab ka duwan kii horay loogu soo doortay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka, kuwaasoo lagu dhisay caasimadaha dowlad goboleedyada.

Habka kuraasta loogu kala qeybiyay gobollada

1- Shabeellada Hoose waxaa la dhigay kuraasta 26 xildhibaan oo Golaha Shacabka iyo 3 kursi oo Aqalka sare ah.

2- Gobolka Baay, oo heysta tirada ugu badan ee xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa lagu soo dooran doonaa 29 mudane oo Golaha shacabka ah iyo 4 xildhibaan oo Aqalka Sare ah.

3- Shabeellada Dhexe waxaa laga soo dooran doonaa 20 xildhibaan oo Golaha Shacabka iyo 4 mudane oo Aqalka Sare ah.

4- Hiiraan ayaa heysta 18 xildhibaan oo u matali doonta Golaha shacabka iyo 4 senator oo Aqalka Sare wakiil uga noqonaya.

5- Gobolka Galgaduud wuxuu leeyahay 27 xildhibaan oo golaha shacabka ah iyo 7 mudane oo Aqalka Sare ah.

6- Gobolka Mudug ayaa lagu soo dooran doonaa 17 xildhibaan oo ku biireysa Golaha Shacabka iyo 3 senator oo ku matali doonta Aqalka Sare federaalka.

7- Gobolka Nugaal waxaa laga soo dooran doonaa 6 Mudane oo Golaha Shacabka ku mataleysa iyo 2 Aqalka sare ah.

8- Bari waa 13 kursi oo Golaha Shacabka ah iyo 4 kursi oo Aqalka Sare ah.#

9- Sanaag wuxuu leeyahay 6 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 3 Aqalka sare ah.

10- Gobolka Bakool waa 14 mudane oo Golaha Shacabka ah iyo 1 kursi Aqalka Sare ah.

11- Sool waxaa loogu talagalay 9 kursi oo Golaha Shacabka ah iyo 2 Aqalka sare ah.

12- Gedo waxaa la dhigay 17 kursi oo Golaha Shacabka iyo 3 Aqalka sare ah.

13- Jubbada Hoose waxaa laga soo dooran doonaa 19 xildhibaan oo Golaha Shacabka iyo 2 Aqalka sare u matali doonta.

14- Gobolka Jubbada Dhexe wuxuu helay 7 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 3 Aqalka Sare ah.

15- Awdal waxaa la dhigay 17 kursi oo Golaha Shacabka iyo 3 Aqalka Sare ah.

16- Togdheer waa 8 kursi oo Golaha Shacabka ah iyo 3 Aqalka Sare ah.

17- Waqooyi Galbeed waxaa la siiyay 15 kursi oo Golaha Shacabka ah iyo 3 kursi oo Aqalka sare ah.

18- Gobolka Banaadir waxaa ku qoran 5 kursi oo Golaha shacabka ah. Hase yeeshee Aqalka sare ee Banaadir waxaa loo qoondeeyay 13 xubnood. Arrintaas waxaa ansixiyay Golaha Shacabka federaalka, laakiin waxaa kasoo horjeestay mudanayaasha Aqalka Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here