Macalimiinta ka howlgala bariga Kenya oo doonayo in la hubeeyo kaddib weeraradii Shabaab

astaanta kenya

Ururka macalimiinta ee Kenya ayaa ku baaqay in la hubeeyo macalimiinta ka howlgalo deegaannada ay ka dhaceen weerarada dalkaas isla markaasna macalimintaas la siiyo tabbabar militari iyo qoryo si ay ammaankooda u sugaan.

Saraakiil ka tirsan ururka macalimiinta dugsiyada hoose ee Kenya ayaa arrintani sheegay kaddib markii ay la kulmeen macalimiin kasoo cararay deegaanka Kamuudey ee ku yaal duleedka Gaarisa kaddib weerarkii dhawaan ka dhacay halkaas.

Weerarkaas waxaa lagu dilay saddex macalin.

Xoghayaha guud ee ururkaas, Akelo Misori wuxuu sheegay in saraakiisha booliska ee loo daabulay deegaannada dhaca bariga iyo goobolka xeebta ee Kenya aysan ku filneyn amnigooda sidaas darteed ay macalimiinta u baahan yihiin in la siiyo qoryo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in weerarada inta badan ay dhaceen xilli habeen ah markaas oo booliska ka tageen agagaarka Iskuullada.

Guddiga shaqaaleysiiyo macalimiinta Kenya ayaa cambaareeyay weerarkii dhawaan ka dhacay duleedka Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxay sheegeen in dowladda ay si dhaw ugala shaqeynayaan sidii loo xaqiijin lahaa amniga macalimiinta ka howlgala deegaannadaas ee kasoo jeedo gobollada kale ee Kenya.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli dhawaan ururada macalimiinta ee dalka Kenya ayaa ku hanjabeen in macalimiinta ka howlgala waqooy bari ee kasoo jeedo gobollada kale ee dalkaas inay kasoo daadgureyn doonaan halkaas .

Waxay macalimiinta sheegeen in tallaabadan ay ku dhaqaaqi doonaan waa haddii dowladda aysan wax ka qaban amniga gobolkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here