Madaxda sare ee Soomaaliya oo mushaarkoodi bishaan ugu yaboohay Gurmadka Fatahaadaha

farmaajo saxiix

Madaxada sare ee dalka Soomaaliya ayaa ka qeyb qaadanaya yabooha dhaqaale oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed oo ay fatahaaduhu saameeyeen.

Madaxweynaha JFS, Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare iyo R/wasaaraha Dalka ayaa mushaharaadkoodi Bisha Oktoobar ugu deeqay dadka Soomaaliyeed oo ay fatahaaduhu saameeyeen.

Lacagtan ay iska jareen madaxada Qaranka ayaa waxaa lagu wareejin doonaa Guddiga Gurmadka fatahaadaha.

Dowaladda Soomaaliya ayaa dhawaan magacawday guddi loo xilsaaray ugurmashada dadka fatahaaduhu ay saameeyeen.

Sidoo kale Dowlada Federalka ayaa sheegtay inay howlo cunto qeybin ah ka bilaabayso magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here