Madaxii xiriirka Al-Qaacida iyo Al-Shabaab oo la dilay

shabaab sarkaal

Wararka aan ka heleyno gobolka Bay ayaa sheegaya in duqeyn iyo weerar toos ah xalay lagu qaaday xero ciidan oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Buula-fulaay oo hoos taga degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay.

Laba diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa la sheegay in xerada ay ku dhufteen ilaa labo gantaal, waxaana ka daatay diyaaradahaas ciidamo kumaandoos ah oo xoog ku galay xarunta la weeraray ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen Buula-fulaay.

Saraakiil ka tirsan Danab ayaa noo sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan xarunta, waxaana wali la xaqiiji karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay goobta, maadaama ay tahay xilli habeen ah.

Dhanka kale isla xalay duqeyn ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe waxay sheegeen saraakiishu in lagu dilay isku xirihii Ururrada Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, kaas oo magaciisa lagu sheegay Macalin Ibraahim Abuu Xamza.

Saraakiisha noo warantay waxa ay sheegeen in Abuu Xamza la bartilmaameedsaday xilli uu la socday kolonyo gaadiid ah oo ka baxday degmada Jilib, iyagoo sheegay in saraakiil kale ay ku wehliyeen safarka, balse ay xaqiijiyeen oo kaliya geerida madaxii xiriirka ee Al-Qaacida iyo Al-Shabaab.

Shaacinta dilka madaxii xiriirka ee Ururradaas ayaa ku soo beeg maysa iyadoo xalay Jubbada Dhexe ay ka dhaceen duqeymo la sheegay in lagu beeg saday saraakiil Shabaab ah, waxaana xusid mudan in Jubbada Dhexe ay waayihii dambe duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha reer Galbeedka u noqotay bar tilmaameed gaar ah.

Duqeymahaan is daba jooga ah ee ka dhacaya Jubbada Dhexe ayaa ku soo aadaya iyadoo sir-doonka dowladda Kenya uu shaaciyay in qaraxyada ugu badan ay Al-Shabaab ku farsameeyaan magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here