Madaxtooyada Soomaaliya oo shaacisay in madaxweyne Xasan Sheek laga helay cudurka COVID-19

xasan sheekh2

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud laga helay cudurka COVID-19 kaddib markii baaritaan lagu sameeyay.

Afhayeenka madaxweynaha, Cabdikariim Cali Kaar oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku dhacay cudurka safmarka ah balse ay xaaladdiisu wanaagsan tahay.

“Waxaa jirta in madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, laga helay [fayraska] COVID-19 maanta, kaddib markii baaritaan lagu sameeyay. Xaaladda caafimaadka ee madaxweynuhu aad bay u wanaagsan tahay, calaamadihii COVID-19-kana ma laha,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas raaciyay in madaxweynaha uu maanta dalka dib ugu soo laabtay howlihiisana uu si caadi ah u wato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here