Madaxtooyada Soomaaliya oo war kasoo saartay furitaanka Shirka Wadatashiga DF iyo D Goboleedyada

villa somalia

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo Maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo furitaanka shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka Dalka si ay wakhtigeeda ugu qabsoonto.

“Madaxtooyada Qaranka waxa ay soo dhaweynaysaa sida Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay uga dadaaleen ka soo qeybgalka Shirkan, iyadoo haatan loo dhan yahay kamira-dhalinta Shirkan oo muhiim u ah hirgelinta doorashada dalka,” ayuu yiri Cabdirashiid.

Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegau Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu furitaanka Shirka ka hor kulamo hordhac ah la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaaadir, isaga oo qodob gaar ah diiradda saaray oo uu kala hadlay.

“Kulamadaas ayaa ku saabsanaa sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqdooda Dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan mas’uuliyiinta ay ku aaminayaan talada dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Hadalkan ayaa laga dhadhasan karaa in macnihiisu yahay in shacabka codeeyaan, oo ay helaan awood ay ku doortaan kuwa matalaya, taasi oo madaxweynaha marar badan uu dalbaday.

Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here