MADAXWEYNAHA CUSUB EE PUNTLAND OO SHEEGAY IN AAN GORGORTAN LAGA GELI DOONIN DHULKA SOMALILAND QABSATAY

madaxweyne siciid cabdillaahi deniI

Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo Wareysigii u horeeyay bixiyay ayaa sheegay, in uusan Puntland iyo somaliland ka dhaxeyn muran dhuleed, hase yeeshee Somaliland ku soo xadgudubtay dhul ay Puntland leedahay.

Madaxweynaha oo BBC-da wareysi gaar ah siiyay ayaa sheegay, in dhulka maqan ee Puntland aan wax gor-gortan lagala gelin dooni maamulka Somaliland, islamarkaana aan laga yeeli dooni xuduudka ay ku andacoonayan in ay Ingiriis ka dhaxleen, wuxuuna Somaliland
ugu baaqay inay dib ugu laabtaan goobahooda.

” Hadii Somaliland Noqotay Ingiriis, Anagu ma nihin Talyaani, Mashruuca Somaliland waa mid khaldan, Khilaaf nooma dhexeeyo, ee way soo Xad-gudbeen Halkoodi haku Noqdaan “ ayuu yidhi Madaxweyne Deni.

Dhinaca kale mudane Deni ayaa mar uu ka hadlayey arrimaha Federalaalka wuxuu sheegay, in uu ka shaqeyn doono sidii loo dhisi lahaa dowlad Federaalk ah oo sal adag, isagoo tilmaamay inaan Dastuurka dalku diidayn in la dhisto Gole iskaashi oo maamulladu yeeshan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.