MADAXWEYNAHA JUBALAND OO KA HADLAY DAGAALKA LAASCAANOOD

Axmed Madoobe3

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Xarunta Daawad ee Magaalada Kismaayo kaga qeybgalay munaasabadda 63 guurada kasoo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen Gobollada Koonfureed gumeystihii Talyaaniga Iyo israacii Labada Gobol ee Wagooyi yo Koonfur.

Munaasabadan ayaa Waxaa ka qeybgalay masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada, saraakiisha Ciidamada iyo dadweyne kala duwan.

Madaxweynaha oo ka hadlayay dagaalada gobolka Sool ayaa sheegay in laga baaqsan karay wadahadal wax lagu wayayna aan xabad iyo xoog lagu heli Karin isagoo sheegay in loo baahan yahay in dagaalka si shuruud la’aan ah lagu joojiyo dadka deegaanadaas ku noola ay xaq u leeyahiin in aayahooda ay ka tashadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here