MADAXWEYNAHA KENYA OO KA HADLAY GOAANKA BADDA EE MAXKAMADDA CAALAMIGA AH

xuduuda badda soomaaliya kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da uga hadlay mowqifkiisa ku aaddan muranka xadka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo ay horay go’aan uga gaartay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ).

Maxkamadda hoos tagta Qaramada Midoobay ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa kiiskaas oo sannado badan socday xukun kasoo saartay 12-kii bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo xadeynta ka dhigtay qaab u dhow sida ay Soomaaliya ku dooneysay, tallaabadaas oo ay Kenya si weyn ugu gacan seyrtay.

Markii ugu horreysay ee kiiska loo gudbiyay maxkamadda ilaa markii ay garsooreyaasha maxkamaddu ay go’aanka ku dhawaaqeen, William Ruto waxa uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya.

Madaxweynihii Kenya ee xilligaas, Uhuru Kenyatta, ayaa markii uu soo baxay go’aanka maxkamadda sheegay in dalkiisu uusan aqoonsaneyn natiijada.

Ruto, oo dhawaan markii xilka loo caleema-saaray ay wada kulmeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in arrimaha loo kala xallin doono sida ay u kala horreeyaan.

”Hadda Soomaaliya waxa ay leedahay madaxweyne aan la hadli karno. Madaxweyne waxa uu diyaar noola yahay inaan howlaha u qabanno sida ay u kala horreeyaan, waxaan ku faraxsan nahay inuu xoogga saarayo la dagaallanka argagixisada, adduunka oo dhan – oo ay Kenya ku jirtana – wuxuu kala shaqeynayaa sidii uu u burburin lahaa xagjirnimada qalalaasaha wadata iyo argagixisada,” ayuu yiri Ruto.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sharraxay waxa uga qorsheysan muranka xadka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna yiri: ”Muranku waa arrin ay dalalka deriska ah mar walba xallin karaan. Waxa aan hadda u baahan nahay waa inaan xasilinno oo aan amni ka dhigno gobolkeenna.”

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in xilligan aan la joogin waqti ku habboon ka hadalka muranka xadka.

”Ma rabo inaan ka howl-galno muran ku saabsan xadka iyadoo ay dad dhimanayaan, iyadoo ay argagixiso meelaha joogaan, iyadoo xasilooni darro ay ka jirto gobolkeenna.

”Waxay ila tahay inaan marka hore xal u helno arrimaha amniga, kaddibna waxaan xallin karnaa murankeenna xadka,” ayuu yiri.

Waxa uu u muuqday in uu rajo ka qabo dowladda cusub ee Soomaaliya, inkastoo uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal laga weydiiyay sababta ay mowduucan ugala hadli waayeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here