Madaxweynaha Maraykanka oo ansixiyey in Israel hub laga iibiyo

joe biden dhaarin

Inkasta oo Maraykanku mar labaad horjoogsaday bayaan Golaha Ammaanku soo saari lahaa oo ku baaqayey in colaadda la joojiyo, ayaa madaxweynaha Maraykanka Joe Biden sheegay inuu taageersan yahay xabbad joojin siddeed maalmood oo ay colaadi ku dhex maraysay Qasa Israel iyo ururada Falastiiniyiinta ah.

Biden ayaa ku wargeliyey ra’isal wasaaraha Israel Benjamin Netenyahu in Maraykanku kala shaqaynayo Masar iyo dawlado kale sidii loo joojin lahaa colaadda.

Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Aqalka Cad Biden “wuxuu ku tirtirsiyey Israel in ay intii suurto gal ah ku dedaasho in ay ilaaliso rayidka aan waxba geysan”.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in Biden “sheegay inuu taageersan yahay xabbad joojin oo uu kala hadlay in Maraykanka, Masar iyo dalal kale ay ka wada shaqaynayaan sidii yoolkaa loo gaadhi lahaa”.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa haddana uu Biden ansixiyey heshiis Israel lagaga iibinayo hub oo qiimihiisu dhan yahay 735 milyan oo doolar.

Hoggaamiyeyaasha caalamka iyo ururada gargaarka ayaa ku baaqay in la qaado talaabo lagaga hortagyo dhimashada rayidka halkaa degan iyo duminta guryaha.

Maraykanka ayaa mar kii saddexaad diiday qorshe Golaha Ammaanku ku doonayey inuu ku soo saaro bayaan Israel ka dalbanaya in ay joojiso weerarka milatari waxaanu taa badalkeeda ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay “dedaalkiisa diblomaasiyadeed”

Af-hayeenka Aqalka Cad ayaa warfidiyeenka u sheegtay in “qorshahayagu haatan waxaa weeye in wadahadallada aan muuqani ay yihiin talaabada ugu wax ku oolsan ee aanu qaadan karno”‘

Waa sidee xaaladdu haatan?

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa weli wada duqaynta ay ku hayaan Qasa todobaadkii labaad.

Militariga Israa’iil ayaa waxay sheegeen in ay bartilmaameedsadeen goobo ay sheegeen in ay argagixiso ku dhuumanaysay.

Kooxda Xamaas ayaa dhankooda madaafiic ku garaacay magaalooyinka Beersheba iyo Ashkelon.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa waxay sheegeen in Axaddii ay aheyd maalinkii ugu dhimashada badnayd ee magaaladaasi soo marta.

Waxaa duqeymada Israa’iil ku dhintay 42 qof sida ay saraakiisha Flaastiiniyiinta sheegeen.

Dhanka kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo kulan degdeg ah isugu yimid ayaa waxaa madaxda ka qeyb gashay ka soo baxaya baaqyo ku aadan sidii loo jooji lahaa colaadda.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Qasa in dagalka la joojiyo.

Mr Guterres oo ka hadlayay kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku dheeraaday baahida loo qabo in colaadda la joojyo.

Antonio Guterres ayaa ka dalbaday labada dhinac ee ay dirirta ka dhaxeyso in dagaalka soo afjaro.

Waxaa uu sidoo kale farta ku fiiqay in dagaalka iminka socda ay dhibaato badan ka dhalanayso islamarkana ay tahay in nabadda lagu dadaalo.

“Colaaddii ugu dambeysay waxaa uun ka dhalanaya dhimasho, burbur waxayna sii fogeynaysaa oo kali ah rajadii laga qabay in wadajir iyo nabad lagu wada noolaado, waa qasab in dagaalka la joojiyo, waa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo jooojiyo, waxaan ka codsanayaa dhammaan dhinacyada in ay u dheg raariciyaan baaqan, Qaramada Midoobey waxay ka codsanaysaa dhammaan dhinacyada in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xabadda u joojiyaan,” ayuu yiri Mr Guterres

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobey, Zhang Jun ayaa dhankiisa sheegay in waxa Qaramada Midoobey imika looga fadhiyo ay tahay in xabadda la joojiyo.

Waxaa uu intaa ku daray Mr Jun in sidoo kale loo baahan yahay in xal waara laga gaaro arrinta ku saabsan in Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ay noqdaan labada dal oo daris ah oo isku bar-bar nool.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Flaastiiniyiinta, Riyad al-Maliki, oo khudbad u jeedinayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Israa’iil ku eedeeyay in ay dambiyo dagaal geysanayso.

Waxaa uu sidoo kale ku baaqay in Israa’iil lagala xisaabtamo tacadiyada uu sheegay in ay kula kaceyso dadka Falastiiniyiinta.

Dhanka kale xilli uu dagaalka labada dhinac sii xoogeysanayo ayaa hadana waxaa la sheegayaa in ay sii xumaanayso xaalada noolaleed ee dadka magaalada Qaza.

Ku xigeenka isu-duwaha Qaramada Midoobey u qaabilsan geedi socodka nabadda, Lynn Hastings, ayaa BBC-da u sheegtay in magaalada Qaza uu gabaabsi yahay gaaska taasi oo saameyn ku yeelan karta isbataalada iyo xarumaha kale.

Madaxwaynaha dalka Masar Abdel -Fattah el -Sisi ayaa sheegay in dalkiisa uu geyn doono waxayabaha looga baahan yahay magaalada Qaza.

Gawaarida gurmadka degdeg ah ayay dowladda Masar u dirtay magaalada Qaza si ay halkaasi uga soo daabulaan dhaawacyada una geeyaan dalka Masar.

Dhanka kale dowladda Urdun ayaa bangi dhiig u furtay dadka reer Qaza halkaasi oo ay dadka dhiigooda ku tabarucayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here