Madaxweynaha Puntland oo balan qaaday inaan xabbad dambe dhici doonin

siciid deni 182019

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo caawa ka hadlay xaaladda Boosaaso ayaa ballan-qaaday in dowladdu aqbalayso xalka nabadda Boosaaso, xabbad dambena aysan dhici doonin.

Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay shacabka ka barakacay Boosaaso in ay guryahooda ku noqdaan, wuxuuna amray in berri laga bilaabo dib loogu furo dhammaan xarumaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee bixiya adeega dadweynaha.

Wuxuu sheegay inuu khilaafka PSF u daynayo isimada iyo waxgaradka ku jira, xal kasta oo ay soo saaraana ay la qaadanayso dowladdu, isagoo qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadda Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here