Madaxweynaha Somaliland oo gaadhay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa

muuse biixi addisababa1

Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa gaadhay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dawladda federal-ka Itoobiya .

Xubnaha soo dhoweeyey Muuse Biixi, ayaa waxaa hogaaminayey wasiirka wasaaradda Maaliyadda Itoobiya, Mudane Axmed Shide, waxaana ka mid ahaa wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda,  Mrs. Hirut Zemene, agaasimaha arrimaha dawladdaha deriska u qaabilsan Itoobiya, Ato Yibeltal iyo xubno kale oo katirsan dawladda federaalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa si heer sare ah loogu qaabilay madaarka Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa, iyada oo ay gudo geli doonaan kulamadii ay la lahaayeen ra’iisal wasaaraha dawladda Federal-ka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Biixi uu safar ku tago dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.