Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay wefti ka socday Beesha Caalamka

somaliland beesha caalamka1

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefdi ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo safiirka midowga yurub ee Soomaaliya Amb. Nicolas Belanga Martinez.

Wafdigan ayaa waxaa ka  mid ahaa qaar ka mid ah safiirada dalalka Yurub ugaga wakiil ah Soomaaliya sida Safiirka Talyaaniga Alberto Vecchi, Safiirka Jarmalka Annett Guenther iyo masuuliyiin ka socday dalalka Netherlands, Finland, Poland, Austria, IGAD iyo Denmark.

Kulanka ayaa waxaa  lagaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, xallinta khilaafka guddida doorashooyinka  iyo taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay ku taageeraan Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi wuxuu u xaqiijiyay wafdiga inay xukuumadiisu ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinku marka ay axsaabta  isla meel dhigaan suurta-galnimada doorashooyinka farsamo ahaan iyo sharci ahaan, sidoo kale madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in gogoshii uu u fidiyey labada xisbi mucaarid ay halkeedii taallo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here