Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo maanta Dhuusamareeb tegaya

Deni iyo Madoobe

Magaalada Dhuusamareeb Xarunta DG Galmudug waxaa maanta ku wajahan Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi (Deni) iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo aysan u suuragalin in shalay tagaan Magaaladaas.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxdaan maanta ku wajahan Dhuusamareeb uu u xayiran yahay Shirka (Dhuusamareeb 3) oo haddii ay tagaan Xarunta Galmudug uu toos u furmayo.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo wararku sheegayaan in ay ka kala maqan yihiin Kismaayo iyo Garoowe ayaa jira safaro Magaalooyinka Jabuuti iyo Nairobi oo dano maamul iyo mid gaar ah u kala jira.

Ilo katirsan labada Madaxtooyo waxay xaqiijiyeen in mas’uuliyiintaan ay ka qaybgalayaan Shirka Dhuusamareeb, isla markaana ay ajiibeen fariinta Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ku hoyday Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdulallaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo martigeliyaha madasha ah.

Kulamo hordhac ah ayay yeesheen, waxaana sidoo kale Dhuusamareeb ku sugan xubnaha Guddiga loo xilsaaray kasoo tala-bixinta Doorashada Dalka oo la siinayo warbixinta koowaad marka la furo shirka si ay usoo gudbiyaan talo ururintii ay sameeyeen, inkasta oo aysan qayb ka ahayn shirarkii ay yeesheen xubnaha Puntland iyo Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here