MADAXWEYNAYAASHA SHIINAHA IYO MAREYKANKA OO ISWEYDAARSADAY HADALLO KULUL OO KHUSEEYA TAIWAN

BIDEN AND XI JINGPING

Hogaamiyayaasha Maraykanka iyo Shiinaha ayaa isweydaarsaday  digniino ku aadan  arrimaha jamhuuriyadda Taiwan, kadib markii ay ku wada hadleen taleefoon qaatay in ka badan laba saacadood.

Madaxweyne Joe Biden ayaa u sheegay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping, in Mareykanka uu si adag uga soo horjeedo dhaqdhaqaaq kasta oo hal dhinac ah oo lagu bedelayo maqaamka jasiiraddaasi oo horay ugu dhawaqday gooni isutaag,isagoo intaa ku daray in siyaasadda Maraykanka ee Taiwan aanay waxba iska bedelin.

Madaxweynaha Shiinaha Mr Xi ayaa u sheegay Mr Biden in uu u hogaansamo mabda’a hal wadan oo shiinaha ah, isaga dhinaca kale tilmaamay in “qofkii dab ku ciyaara uu gubi doono”.

Xiisadda arrintan ayaa kor u kacday ka hor hadallo  la isla dhex marayey oo ah in afhayeenka aqalka wakiillada ee Maraykanka Nancy Pelosi ay qorsheyneyso booqasho ay ku tagto Taiwan.

Ms Pelosi ayaa la sheegay in aysan ku dhawaaqin wax safar ah, balse Shiinaha ayaa ka digay cawaaqibka  haddii ay sii waddo booqashadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here