Madaxweyne Biixi oo taliye iyo ku xigeen cusub u magacaabay Ciidanka Booliska Somaliland

taliye dabagale

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa taliyaha ciidanka Booliska u magacaabay.Sareeye Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi Dabagalle, halka taliye ku xigeenka u magacaabay Sareeye Guuto, Cabdi Xasan Mire Faarax.

Sidoo kale, waxa uu xilkii ka qaaday taliye ku xigeenkii ciidanka Booliska Sarreeye Guuto, Faarax Maxamed Mire oo maalintii taliyihii hore dhintay isna xanuun ku soo booday.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/XM/WM/222-375/112019 uu magacaabis iyo xilka qaadis ku sameeyey masuuliyiinta ugu saraysay ciidanka booliska Somaliland.” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

“Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1. Sareeye Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

2. Sareeye Guuto, Cabdi Xasan Mire Faarax Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Sarreeye Guuto, Faarax Maxamed Mire

Taliye Ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland.”ayaa u qornayd nuxurka wareegtadda ka soo baxay madaxweyne Biixi.

Taliyaha cusub Sareeye Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi Dabagalle,ayaa ka mid ahaa ciidanka Militeriga Somaliland kaasi oo soo wareejiyey ciidanka Booliska, halka taliyihii ku xigeenkii hore Faarax Mire oo isna laga soo wareejiyey ciidanka Militeriga uu xanuun ku soo booday habeenkii uu geeriyooday taliyihii hore ee ciidanka Marxuum Cabdilaahi Fadal, Kaasi oo xilkiisii loo soo magacaabay taliye ku xigeen Cabdi Mire.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here