Madaxweyne Deni iyo Safiirka Ingiriiska oo kulan ku yeeshay Nairobi

deni iyo uk amb ben Fender

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan casho ah kula qaatay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender iyo saraakiil ka socda Safaaradda dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulankaasi ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Golaha Fulinta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni iyo Ambassador Ben Fender ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Ingiriisku ka taageerto Puntland ee dhinacyada caafimaadka, daweynta Xoolaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dib u milicsiga waxyaabihii qabsoomay, dhammaystirka mashaariicda hadda socota iyo qorshaynta mashariic horleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here