Madaxweyne Deni oo amaanay talaabooyinka dib-u-heshiisiinta ee Madaxweyne Qoor Qoor

deni iyo qoorqoor

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo Caawa hadal jeediyay ayaa amaanay talaabooyinka dib-u-heshiisiinta ee Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Madaxweyne Deni, ayaa ugu horrayn bogaadiyay tallaabada uu qaaday Ex. Madaxweyne Xaaf, kaasi oo aqblay in uu la shaqeeyo madaxweynaha cusub ee Galmudug Mr Qoor Qoor, kadib khilaafkii ka dhashay doorashadii Dhuusamareeb.

Sidoo kale, wuxuu Qoor Qoor uga mahadceliyay dadaalka uu ku  bixiyay dib u-heshiisiinta dadweynaha Galmudug, isagoo u adeegsaday kalmadda “ madaxweyne Qoor Qoor” taasi oo ka dhigan in uu si rasmiya u aqoonsaday madaxnimadiisa.

Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa bogaadiya wada-hadallada ka socda magaalada Nairobi, ee u dhexeeya madaxweynaha Jubaland iyo xubno mucaaradsan maamulkiisa oo ay hoggaaminayaan Xiddig iyo Seeraar.

Hoos ka daawo muuqaalka Deni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here