Madaxweyne Deni oo bogaadiyey 3 dabadhilif oo Nairoobi ku shiray iyo Galmudug oo ka xumaatay

Madoobe Xidig iyo Seeraar

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni oo sii dhexmaray Galmudug ayaa bogaadiyey 3 dabadhilif oo ku shiray caasimada cadowga Soomaaliya ee Nairobi, kuwaas oo kala ah Madaxweynihii hore ee Jubbaland Axmed Madoobe, C/rashiid Maxamed Xidig iyo C/naasir Seeraar Maax.

Madaxweyne Deni oo ujeedadiisa ugu weyni ahayd inuu u shafeeco qaado Wakiil dalka Kenya u qaabilsan Goboladda Jubooyinka Axmed Madoobe ayaa markii ugu horeysay wuxuu amaanay talaabooyinkii dib u heshiisiinta ahaa ee uu qaaday Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), isagoo markiiba u sii gudbay bogaadin 3 dabadhilif ee Kenya ay Nairobi ku shirsiinayso.

Maamulka Galmudug ayaa la sheegayaa inay si weyn uga xumaadeen amaanta ujeedada laga lahaa ee la sii dhexmaray, laguna sii duray Dawladda Soomaaliya, iyagoo u arka in lagu hal qabsaday ee aan si fiican loogu hambalyeynin.

Arintan ayaa imanaysa xili dhamaan Maamul Goboleedyada dalku ay Puntland kaga cabanayaan aflagaado iyo faragelin, kuwaas oo iminka u muuqda inay go’aansadeen inay dhegaha ka fureystaan.

Amaanta iyo u hadalka dabadhilifyada Nairoobi lagu shirinayo ayaa wuxuu sii yareynayaa rajadii laga qabay inuu soo wanaagsanaado xiriirka Dawladda Federaalka iyo Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here