Madaxweyne Deni oo soo saaray liiska musharaxiinta Aqalka Sare

siciid deni 182019

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray liiska tartamayaasha kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Sooomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa soo saaray 22 musharax oo tartami doona 11-ka kursi ee Puntland ku matala Aqalka Sare.

Liiska waxaa laga saaray xubno ka tirsan Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday oo ay ka mid yihiin Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Cabdirisaaq Juurile.

Kuraasta Aqalka Sare saddex kamid ah waxaa ku tartami doona haween, waxayna Puntland buuxisay qoondada haweenka ee 30%.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here