MADAXWEYNE DENI OO U AMBABAXAY MUQDISHO

deni dhoof

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaweyd ka duulay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe, iyagoo ku sii jeeda magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa ka qeyb-galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo sida la filayo maalin berri ah ka furmaya Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Shirka Muqdisho waxaa saldhig u ah heshiiskii 17 September 2020 ee arrimaha doorashada, waxaana horey ugu baaqay Ra’isul Wasaare Rooble, kadib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku wareejiyay hoggaaminta howlaha doorashada iyo amniga dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horey u sheegay in ay ka go’an tahay wax kasta oo horseedi kara in uu guuleysto shirka doorashada.

Shirka Muqdisho ayaa la filayaa inuu ka soo baxo isafgarad horseeda gudogalka soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here